26.3 C
Mogadishu
Tuesday, July 15, 2025

DF Soomaaliya oo ka digtay cudur si weyn ugu faafaya dalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay faafitaanka xawliga ee uu ku socdo cudurka Hepatitis ee gudaha dalka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan oo walaaca xooggan ka muujiyay sida uu cudurkan ugu faafayo dalka ayaa sheegay in xaaladdu u baahan tahay in si degdeg ah wax looga qabto.

Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in heerka cudurkani uu sareeyo, taasoo keentay baahi weyn oo loo qabo dardar gelinta tallaabooyinka caafimaad ee lagula tacaalayo, gaar ahaan tijaabinta iyo tallaalka si loo yareeyo halista uu cudurku ku yeelan karo bulshada.

Isaga oo arrinta sii faah-faahinaya, Dr. Cali wuxuu xusay in cudurka Hepatitis uu si gaar ah u saameeyo beerka, islamarkaana uu khatar weyn ku yahay caafimaadka guud ee shacabka, haddii aan si waafaqsan loogu jawaabin.

“Wacyigelinta, baarista iyo tallaalku waa furayaasha aan ku xakameyn karno faafitaanka cudurkan halista ah,” ayuu yiri Wasiirka, isaga oo ugu baaqay hay’adaha iyo bulshada in si wadajir ah looga hortago.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhankeeda ku boorrisay shacabka in ay door muuqda ka qaataan barnaamijyada la xiriira tallaalka iyo ka hortagga cudurka, isla markaana ay si toos ah ula xiriiraan xarumaha caafimaadka si ay u helaan baaritaan iyo xog dheeraad ah.

Ugu dambeyntiina wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaato tallaabooyin firfircoon oo ka dhan ah faafitaanka Hepatitis, taas oo ah mid fure u noqon karta badbaadada caafimaadka guud ee bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News