Somalia oo ka guuleysatay waddamo Afrikaan ah

Dar es Salam  (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay hoggaanka guddiga Afrika ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano CDC, kaas oo ah heer wasaaradeed, ayna xubno buuxdo ka yihiin dalal badan oo Afrika ah.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa isku howshay tartankaan oo ahaa mid adag, waxaana olole iyo dadaal ay sameysay, kadib ku guuleysatay hoggaaminta CDC.

Tartanka ayaa ka dhacay dalka Tansaaniya, waxaana Soomaaliya ku metelayey wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Buraale), kaas oo ka qayb-galay shirka lagu dooranayey hoggaanka cusub, kadibna guul ka soo hooyey.

Wasiir Buraale ayaa dadaal dheer iyo olole ballaaran geliyey in ay Soomaaliya madax ka noqoto guddigan oo ah mid muhiim ah.

Guddigan heer wasaaradeed ah ee Afrika, waa hay’ad farsamo oo Ururka Midowga Afrika u qaabilsan inay ka caawiso dowladaha xubnaha ka ah Ururka dadaallada ay ku ogaanayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka bulshada ayaga oo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta, iyo siyaasadooda.

Sidoo wuxuu guddiga Afrika ee CDC ka shaqeeyaa horumarinta awoodda xirfadleyaasha caafimaadka dadweynaha iyo kaalmada farsamo ee la siinayo wadammada ay soo food saaraan walaacyo caafimaad oo murugsan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale haatan dadaal dheer ugu jirto ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika (EAC), waxaana maalin kahor madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Cabdisalaam Hadliye inuu noqdo ergeyga Soomaaliya u qaalbisan ururka Afrka ee EAC.