Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sida ay u aragto amarka cusub ee ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee muwaadiniinteeda looga mamnucuay gelitaanka Mareykanka.
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 12 dal oo muwaadiniinteeda laga mamnuucay inay galaan Mareykanka, kadib amar madaxweyne oo cusub oo uu saxiixay Donald Trump, kaasi oo Soomaaliya ku tilmaamay “meel badbaado u ah argagixisada,” isaga oo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan maamulka dalka iyo halista dhanka amniga qaranka ee uu Mareykanka wajahayo.
Amarkan cusub ayaa si buuxda u joojinaya gelitaanka muwaadiniinta ka soo jeeda Afghanistan, Myanmar, Chad, DR Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen. Sidoo kale, wuxuu si xaddidan u saameynayaa dadka ka imanaya Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.
Amarka Trump wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay awood xaddidan ku leedahay xakameynta dhulkeeda, ayna weli halis argagixiso ka jirto gudaha dalka. Wuxuu tilmaamay in arrimahan ay si weyn u wiiqayaan kartida dowladda ee ilaalinta ammaanka iyo la shaqeynta hay’adaha caalamiga ah.
“Soomaaliya ma laha hay’ad dhexe oo karti leh ama lala shaqeyn karo oo bixisa baasaboorrada iyo dukumentiyada madaniga ah, sidoo kalena ma laha nidaamyo hufan oo lagu baaro lana xaqiijiyo dadka,” ayuu yiri Trump.
Wuxuu intaas ku daray: “Soomaaliya si weyn ayay uga duwan tahay dalalka kale marka loo eego heerka ay dowladdu uga liidato xakameynta dhulkeeda, taasoo si aad ah u xaddideysa waxqabadka iyo awoodda hay’adaha qaranka.”
Trump sidoo kale wuxuu si adag u dhaleeceeyay diidmada dowladda Federaalka ee Muqdisho ee ku aaddan aqbalaadda muwaadiniinta laga masaafuriyo Mareykanka, taasoo uu ku tilmaamay mid kamid ah sababaha ugu waaweyn ee keentay xayiraadda socdaalka.
Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka, Dahir Xasan Cabdi, oo jawaab kooban siiyey wargeyska Washington Post ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Mareykanka si loo xalliyo walaacyada jira.
“Soomaaliya weli waa saaxiib muhiim u ah dagaalka lagula jiro argagixisada, waxayna qaaday tallaabooyin muuqda oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladeed, laguna horumarinayo amniga qaranka,” ayuu yiri danjirahu.
Dhanka kale, Guddiga Midowga Afrika — oo xubno ka yihiin qaar kamid ah dalalka ay saameyneyso xayiraaddan — ayaa bayaan rasmi ah ku sheegay in ay “si xushmad leh ugu baaqayaan” Mareykanka inuu xakameeyo xuduudihiisa “si dheelitiran, ku saleysan xog dhab ah, islamarkaana ka tarjumaysa iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Mareykanka iyo qaaradda Afrika.”

