New Delhi (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday Wasaaradda Dalxiiska ee Hindiya ayaa shaacisay in Soomaaliya ay noqotay dalka ugu sarreeya ee muwaadiniintiisu u safraan Hindiya sanadihii ugu dambeeyay.
Sida lagu xusay warbixinta, safarrada ay Soomaalidu ku aaddaan Hindiya ayaa kordhay 144% marka la barbardhigo tiradii sanadkii 2019. Kororkan ballaaran ayaa ka dhigay Soomaaliya dalka keliya ee la diiwaan-geliyay inuu sameeyay koboc saddex-lambar ah muddadaas.
Tirakoobka rasmiga ah ayaa muujinaya in 5,044 qof oo Soomaali ah ay u safreen Hindiya sanadkii 2019, halka tiradaasi ay gaartay 12,320 qof sanadkii 2024. Tani waa koror aad u weyn oo muujinaya sida dalxiiska iyo socdaalka u dhexeeya labada dal uu u sii kobcayo.
Si kastaba, waxaa la sheegay in tirada dadka u safray Hindiya ay hoos u dhacday marka la eego 16,607 qof oo halkaas u tegay sanadkii 2023. Inkastoo isbeddelkan hoos u dhaca ahi jiro, Soomaaliya ayaa weli sii haysata kaalinta koowaad ee dalalka ugu badan ee dadka u dira Hindiya.
Dhanka kale, dalalka Cambodia, Kazakhstan iyo Vietnam ayaa iyaguna sameeyay koror kala duwan oo ah 81%, 72% iyo 61% siday u kala horreeyaan. Si kastaba, midkoodna ma gaarin heerka kororka ay Soomaaliya ka sameysay safarrada u socda Hindiya.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in isbeddelkaasi uu qayb ka yahay kororka guud ee dalxiiska iyo socdaalka caalamiga ah ee Hindiya, taas oo muujinaysa soo jiidashada ay waddankaasi yeeshay sannadihii dambe.
Hindiya ayaa ka mid ah dalalka daryeelka caafimaadka ee gaarka loo leeyahay aad u horumarsan yihiin, kuwaas oo leh qalab caafimaad oo tiknoolajiyadda sare leh iyo heer aad u wanaagsan oo waafaqsan heerarka caafimaadka caalamiga ah, sida ay sheegtay Hindiya.

