Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Save the Children ayaa soo saartay warbixin la xiriirta wadamada ugu badan ee ay ka dhacaan guurka qasabka ah.
Hay’adda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay wadamada gabdhaha aan guurka gaarin lagu qasbo inay guursadaan.
Warbixinta Hay’adda ayaa lagu sheegay in gabdhaha da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 18 sano jir lagu qasbo inay galaan guur qasab ah.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in daraasada laga sameeyay inka badan 140 dal oo caalamka ah, waxaana dalalka africa ay noqdeen dalalka ugu badan ee guurka Qasabka ah uu ka jiro.
Sababta ayey Warbixintu ku sheegtay in ay tahay Faqriga,Shaqo la’aanta iyo waxbarasho la’aanta ka jirta Qaaradda Afrika.
Sanadkaan ayaa la saadaalinayaa inay kororto tirada gabdhaha aan qaangaarin ee lagu qasbi karo guurka, maadaama dhibaatooyinka sare ay wali taagan yihiin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

