Soomaaliya oo Kenya kaga adkaatay suuq ganacsi oo aad muhiim u ah (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa Kenya uga adkaatay loolan loogu jiray u dhoofinta xoolaha dalka Cuman, gaar ahaan lo’da, waxaa sidaas weriyey wargeyska Africa Intelligence.

Wargeyska ayaa sheegay in kulan horaantii bishan November dhex maray safiirka Cuman ee Kenya Saleh Sulaiman Al Harthi iyo wafdi ka socday rugta ganacsiga Kenya uu safiirka shaki xoogan ku geliyey xiriirka dalkiisa iyo Kenya.

Kulankaas oo ay goobjoog ka ahaayeen ganacsatada lo’da ee Kenya ayaa niyad jab kala laabtay kadib markii Cuman ay sheegtay inaysan hadda iyo wixii ka dambeeya iibsan doonin lo’da Kenya.

Safiirka ayaa go’aankaas qaatay inkasta oo ay horey u jirtay in kulan dhacay 15-kii October looga hadlay iibsiga Cuman ee lo’da Kenya, hase yeeshee aan heshiis lagu gaarin.

Saleh Sulaiman Al Harthi ayaa ganacsatada Kenya u sheegaty in hadda iyo wixii ka dambeeya ay Cuman iibsan doonto lo’da Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixinta.

Al Harithi, ayaa sida ay warbixintu sheegtay, si shaqsiyan ah ugu ololeeyey in dalkiisa uu iibsado lo’da Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay Kenya aad uga dhowdahay Cuman.

Kenya waxay lumisay suuq muhiim ah, oo Soomaaliya ay kala wareegtay, ayaa lagu yiri warbixinta.

Cuman ayaa dhoofsata lo’ aad u badan, waxaana ka sakow midda ay ayada u baahan tahay, ay sidoo kale lo’da usii iibgeysaa dalka Iran, maadaama Iran ay saaran tahay cunaqabateyn caalami ah, oo aysan toos usoo dhoofsan karin.