Siyaasiyiin ka hortagaya ‘qorshe ay wadaan’ Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Mareykanka

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, Injineer Feysal Cali Waraabe ayaa ka warbixiyay kulamo magaaladda Nairobi uu kula qaatay wakiilo ka socday beesha Caalamka iyo siyaasiyiin Soomaaliya ah oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay siyaasiyiinta ka wada hadleen kana tashadeen in ay ka hortagaan qorshe uu sheegay inay ay wadaan madaweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo dalal kale oo Dekadaha Soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in ay madaxda ka shireen sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa, waxaana uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu wado qorshe dekadaha Soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya.

“Laba mid ayuu ku saabsan yahay safarkeyga Beesha Calamka iyo Siyaasiyiin Soomaali ah oo aan la kulmay iyo inaan ka hortagno qorsho ay wadaan xubno uu kamid yahay safiirka Mareykanka ee Kenya, madaxdii Soomaalida ee aan kulanay waxaan ka wada-hadalnay inaan Itoobiya ka badbaadino badeena ayuu yiri” Feysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeyey Madaxweynaha in uu doonayo in dekadaha deegaanada Maamulka Somaliland uu gacanta u galiyo Itoobiya oo uu sheegay in ay doonayaan in ay ku milmaan Geeska Afrika oo ay ku darsato dulka Soomaalida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bartamihii sanadkii tagay waxa uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kula heshiiyey inay si wadajir ah u maal-gashtaan afar deked oo ku yaalla Soomaaliya, taasi oo kuwa dhaliila ay ku qeexeen inuu afar dekad u gacan geliyey Itoobiya.