Dowlada oo xayiraad kusoo rogtay suxufigii gaariga la saarnaa ALMAS ELMAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya xaaladda uu ku sugan yahay Saciid Fadhaye oo ah filimqaade Soomaali ah oo la socdey gaarigii ay saarneyd Almaas Elman oo todobaad ka hor xabad kula dhacday deegaanka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dad ay shaqo wadaag yihiin ayaa walaac ka muujiyey xorriyada iyo badqabka Saciid, waxaana ay sheegeen in qoyskiisa ay walwal qabaan, ayna Baasaboorkiisii ka qaateen laamaha ammaanka dawlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana aanu xor aheyn maskax ahaanna uu liito.

Mowliid Xujaale oo ah saxafi Soomaaliyeed isla markaana isla shaqeeyeen saaxiibana yihiin ayaa inoo sheegay in Saciid Fadhaye uu hay’adaha baaritaanka gacan siiyey, balse aan loo sheegin sababta Basaboorkii looga qaatay iyo baaritaanka halka uu marayo, isla markaana uu u baahan yahay xornimadiisa in soo celiyo.

Lataliyaha amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Cabdi-Siciid Muuse Cali oo ka jawaabayey eedeymahan oo baraha lagu qoray ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray wuxuuna ku sheegay in “qofka kaliya ee geeskeeda fadhiyey gabadha markii ay xabadu ku dhacday waa goobjoogaha dilka Almaas oo baaritaan lagu hayo”

Dhinaca kale BBC-du waxay maanta la xiriirtay la taliyaha amniga ee madaxweynaha Soomaaliya Cabdisiciid wuxuuna yiri “Siciid u ma xirna dawladda, laakiin waa jirtaa in Baasaboorka laga qaaday si aanu dalka uga bixin, waana sabab la xiririta Booliiska oo su’aalo uga baahan”.

Sidoo kale xafiiska arrimaha dibada Britain oo ay BBC-du kala xiriirtay kiiska ayaa afhayeen u hadley wuxuu si kooban inoogu soo qoray “waxaynu caawinaynaa nin British ah oo lagu xiray Soomaaliya, waxaana la xiriirnaynaa masuuliyiinta dawladda”.

Xigasho: BBC Somali