Guddiga doorashooyinka Somaliland oo guddoomiye cusub u doortay oo xubin lagu muransan yahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa, waxay ku doorteen guddoomiyaha cusub ee Komishanka Somaliland.

Xubnaha Komishanka ayaa guddoomiye u doortay Cabdirashiid Riyo Raac, kaasi oo xubinimadiisa uu muran badan ka abuuray xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo Xukuumada Muuse Biixi.

Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa hore uga hor imid Cabdirashiid Riyo Raac in uu kamid noqdo xubnaha komishanka, balse ay isla markiiba ay ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland.

Xisbiyada ayaa Riyo Raac u arkayey xubin aan dhex-dhexaad ka noqon karin xisbiyada iyo Xukuumada, kuna eedeynayay in uu dhinac la yahay xukuumada Muuse Biixi, oo iyadu u muuqata mid dabada ka riixeysay doorashada Riyo Raac.

Guddiga ayaa sidoo kale waxay Mustafe Daahir oo isagna ka mid xubnaha Komishanka u doorteen Guddoomiye kuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Waxa ayna doorashadani ku soo aadeysa xili uu weli muran baahsan oo aan la xalin ka taagan-yahay komishankan cusub ee doorashooyinka Somaliland, midaasi oo sii kicin karta xiisada xoogan ee hore uga taagneyd Komishanka.
Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay la daala dhaceysay murano iyo xiisado siyaasadeed, kuwaasi oo qaarkood ay dhowaan abuureen rabshado ka dhana ah amniga iyo deganaanshaha deegaanadeeda.