Soomaaliya ‘oo magdhow caalami ah’ u heli karta khasaaraha iyo waxyeeladdii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay heli karto magdhowga khasaaraha iyo waxyeellada ka dhashay isbeddelka cimilada ah.

Cabdiraxmaan oo daba socda isfaham lagu gaaray shirka is-beddelka cimilada (COP28) ee ka socda dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Soomaaliya ay magdhow u heli karto waxyeelladii kasoo gaartay i-beddelka cimilada.

Shirka is-beddelka cimilada ayaa la isku raacay bixinta magdhowga khasaaraha iyo waxyeellada (Loss and Damage Fund), kaasi oo ay bixinayaan dalalka wasaqeeya hawada dunida.

“Soomaaliya waxay ka mid ah dalalka ugu ba’an ee ay waxyeellada ka soo gaarto is-beddelka cimilada, si degdeg ah oo fududna uga faa’iidaysan kara fursadaas, waase haddii hawsha loo diro dad aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo leh,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale waxa uu yiri “Dalal badan ayaa u tartamaya sidii ay u heli lahaayeen dhaqaalahaas, waxayse ku xiran tahay dalkasta dadka uu hawsha u dirsado. Haddii aysan taas dhicin, Soomaaliya marna ka faa’iidaysan mayso magdhowga, kana bixi mayso qaylo dhaan, baryo, gargaar iyo gurmad deg-deg oo markii ay fatahaad ama abaar jirto lagu soo tuuro.”

Hoos ka aqriso qoraalka

Guul wayn ah ayaa shirka is-beddelka cimilada (COP28) kaga soo hoyatay dalalka uu is-beddelka cimilada waxyeellada ugu ba’an uu gaystay. Shirka oo ka socda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa la isku raacay bixinta magdhowga khasaaraha iyo waxyeellada (Loss and Damage Fund).

Soomaaliya waxay ka mid ah dalalka ugu ba’an ee ay waxyeellada ka soo gaarto is-beddelka cimilada, si degdeg ah oo fududna uga faa’iidaysan kara fursadaas, waase haddii hawsha loo diro dad aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo leh.

Dad xiriirin kara wada shaqayn dhexmarta hay’adaha dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo qaybaha kale ee bulshada ee aan looga maarmin hawsha, sidoo kalana la imaan kara xariiftan diblomaasiyadeed, galaangalka, wada xaajoodka iyo qancin dadka bixinaya magadhawga.

Dalal badan ayaa u tartamaya sidii ay u heli lahaayeen dhaqaalahaas, waxayse ku xiran tahay dalkasta dadka uu hawsha u dirsado.

Haddii aysan taas dhicin, Soomaaliya marna ka faa’iidaysan mayso magdhowga ay bixinayaan dalalka wasaqeeya hawada dunida, kana bixi mayso qaylo dhaan, baryo, gargaar iyo gurmad degdeg oo markii ay fatahaad ama abaar jirto lagu soo tuuro.

In ka badan 7 milyan ayey abaari bilo yar saamaysay, maantana dhowr milyan oo kale ayey fatahaad dhibaato u gaystay.

Waxaan nahay dad aan ka sarriigan baryada iyo weji gabaxa, deris la ah faqri , iyo fuulxumo uusan Ilaaheey u qorin, balse ay iyaga isku xukmiyeen. Markii damiirku damqo, ayaa danta guud la jiri karaa.