Xasan oo jeediyey khudbad xasaasi ah, hal arrina ku canaantay dunida (Sawirro)

Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) oo lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in daadadka ka dhashay duufaanta Elnino ay ku dhinteen in ka badan 120 qof oo Soomaaliyeed, halka ay ku barakeen in ka badan hal malyan.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay dowladdu la tacaalayso dhibaatada soo gaartay dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay dadaal xoog leh ku bixiyeen yareynta khasaaraha la filayey.

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo ku howllan xoreynta dalka iyo in ay iska dulqaadaan argagixisada, haddana ay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata.

Iyadoo ay Soomaaliya heystaan intaas oo caqabadood wuxuu sheegay in hadana ay ka go’an tahay in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa ku dhaliilay hannaanka caalamiga ah ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada sii xumaaneysa ee dunida.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday in dalalka Afrika aan si mug leh looga qeyb gelin qorshaha xallinta dhibaatadan, wuxuuna ugu baaqay dalalka warshad-leyda ah in ay guutaan masuuliyadda ka saaran arrinkaas, si loo xaqiijiyo duni ku habboon nolasha.

DECEMBER 1: World Heads of State pose for a group photo at Al Wasl during the UN Climate Change Conference COP28 at Expo City Dubai on December 1, 2023, in Dubai, United Arab Emirates. (Photo by COP28 / Mahmoud Khaled)