25.9 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Soomaaliya oo taageero cusub ka helaysa Qatar kadib kulan maanta dhacay

Bookmark
Bookmarked

Share

Oslo (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Qatar, Dr. Mohammed Al Khulaifi, iyagoo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo ay ka socoto madasha sanadlaha ah ee Oslo Forum.

Kulankan ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta hay’adaha dowladda Soomaaliya. Labada mas’uul waxay si gaar ah u dul istaageen muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah oo dhexmarta labada dal.

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in la dardargeliyo xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo la eegayo fursadaha cusub ee lagu ballaarin karo taageerada Qatar ee ku aaddan dib u dhiska iyo xasilinta Soomaaliya.

Xuseen Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar kaalinta ay ka qaadaneyso taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhisidda hay’adaha dowliga ah.

Dhankiisa, Dr. Al Khulaifi ayaa mar kale caddeeyay in Qatar ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay doorka ay dalkiisu ka ciyaarayo nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo helidda garab muuqda oo caalami ah oo ku garab istaaga dib u dhiska dalka.

Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan, iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News