DF oo taageero u heshay qaadista cuna-qabateynta saaran Soomaaliya ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya ayaa Arbacadii shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku gaareen in ay si wada-jir ah u qorsheeyaan istaraatiijiyada howl-gal loo dhan yahay oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Shirkaas ayaa waxay Soomaaliya ku heshay taageero horleh oo la xiriirta qorshaheeda qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa isla qaatay in ciidamada amaanka oo si wanaagsan loo qalabaeeyay ay guulo la taaban karo ka gaari karaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada.

Madaxdan ayaa war-murtiyeed ay soo saareen Arbacadii waxay beesha caalamka kaga codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, taasi oo u ogolaaneysa dowladda federaalka inay si wanaagsan u qalabeyso ciidankeeda la-dagaalamaya argagixisada.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaq-dhaqaaqyada argagixisada ee ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran.

Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey Linda Thomas-Greenfield oo dhawaan soo gaartay magaalada Muqdisho ayuu sidoo kale madaxweyne Xasan hordhigay dalab la xiriira arrintaan.

Xasan ayaa waxa uu Linda ka dalbaday in Mareykanka uu gacan ka siiyo sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran.

Waxa uu sheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka ka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa xilligaan ka qeyb qaata duqeynta Al-Shabaab oo dagaal culus lagula jiro, wuxuuna dhawaan ciidamada DANAB ee uu tababaray soo gaarsiiyay saanad iyo hub lagu qiimeeyay illaa 7 milyan oo dollar.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.