Sawirro: Xasan oo Baydhaba gaaray iyo qorshaha safarka

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe iyo masuuliyiin ka kala tirsan golayaasha maamulkaasi.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa la xiriira gunaanadka shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe ka socday halkaas, kaasi oo uu furay 17-ka bishii hore.

Shirkan ayaa afar maalin kahor galay wajigiisa labaad, waxaana lagu wadaa in dhawaan lasoo gaba-gabeeyo, ayada oo saacadihii lasoo dhaafay ay magaalada ka socdeen kulamo loogu gogol xaarayo mira-dhalka shirkan oo xaqiijinaya Koonfur Galbeed heshiis ah.

Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu xalay la kulmay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa masuuliyiintan wuxuu kala hadlay dardar-gelinta wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed, isaga oo u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad.

Wajiga labaad ee shirka ayaa lagaga arrinsanayay hanaanka geedi socodka nabada, sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya iyada oo lagu wado in wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo deegaanada Koonfur Galbeed, oo inta badan ku jira gacanta kooxda.