Soomaliland oo taageertay hadalkiii uu Trump ugu gafay Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee maamulka Somaliland Maxamed Daahir Axmed ayaa taageeray hadal ka dhan ahaa Soomaaliya oo ka soo baxay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, kaas oo ahaa in Soomaaliya ay ugu horreyso dalalka uu ka jiro musuqmaasuqa.

Inkastoo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid wanaagsan islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, ayaa haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu Trump ka qabo arrimaha Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Daahir Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay arrintan, isaga oo sheegay in Somaliland aragtidaasi ay ku raacsan tahay Trump.

Wuxuu tilmaamay in dowladda ka jirta Xamar ay tahay mid musuqmaasuq ah, sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland ayaa dadaal badan ku bixineyso xiriirkeeda arrimaha dibadda, si ay u hesho aqoonsi caalami ah, balse waxaa jira caqabado hortaagan ictiraafkeeda.

Dhawaan Soomaaliya ayaa xiriirkii u jartay Guinea, kadib markii ay soo dhaweyn sare u sameysay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.

Tallaabadaasi ayaa waxaa ka horyimid Madaxweyne Biixi oo si aad ah ugu dhaliilay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Tan iyo wixii ka dambeeyey markaasi waxaa jiray hadallo xanaf leh oo ka soo yeeray madaxada maamulka Somaliland.

Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa