Sooyaalka Faysal Cali iyo la kulanka madaxda Somalia + Waxyaabihii ka dhashay

23-kii Feberweri 2012-ka ayaa magaalada London lagu qabtay shir ballaadhan oo lagu soo-jeediyay in ay Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan. Waxa ay labada dhinac magacaabeen guddi u qaabbilsan wada-hadalka. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ergadiisa ku daray xubno ka soo jeeda Somaliland, qodobkaas oo la saluugay ayaa hakad-geliyay ambaqaadkii wada-xaajoodka.

27-kii Abril 2012-ka ayuu Eng Faysal CaliWaraabe magaalada Dubai kula kulmay Madaxweynihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaanu Shariifku aqbalay in uu dadka Somaliland ka soo jeeda ka reebo guddida wada-hadalka. Waagaas ma arkin cid dhibsata kulanka Faysal iyo Shariif. Ugu yaraan waxa madashaas lagu af-jaray is-diiddo u dhexaysay labadii xukuumadood ee talada hayay.

11-kii Mey 2013-ka ayuu Faysal Cali-Waraabe carriga Ingiriiska kula kulmay Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa uu Faysal kulankaas ku sheegay bariido. In ay lahaayeen xaflado ka dhacaya goobo isu dhaw oo uu sidaas awgeed ugu leexday markii loo yeedhay ayuu caddeeyay. Falkaasi wuxuu sababay in ay kala fogaadaan Xukuumaddii Siilaanyo iyo Faysal.

Waxyaabaha uu sababay waxa ka mid ahaa:

1. In wasiirro iyo masuuliyiin badani dhaleecayso Faysal

2. In laga reebo guddidii wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Walaw ay xukuumaddu oggolayd in cid UCID ahi raacdo, Faysal ayaa diiday in uu xubin kale u xulo kaalinta laga saaray

3. Wuxuu Faysal ka mid noqday Golaha Wadatashiga iyo Toosinta oo lagu qoonsaday magaca “Gole”, guddida diiwaan-gelinta ururrada iyo ansixinta xisbiyadu waxa ay UCID ugu baaqeen in tallaabo laga qaado Faysal. Aniga oo markaas Golaha Dhexe ee UCID ka mid ahaa, rag ayaa waagaas soo jeediyay in Faysal shir degdeg ah xilka lagaga qaado, xukuumadda/guddiga diiwaan-gelinta iyo maxkamadduna way ansixin lahaayeen kollay. Laakiin laguma raacin. Kanshadii ugu maangalsanayd ee guddoonka UCID lagu afgemiyi lahaa ayay ahayd.

4. Si gaar ah waxa ay hadallo taagtaagani u dhex mareen Wasiirkii Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu Faysal ku tilmaamay Raiisal-wasaare

Is-fahanka xukuumaddii Siilaanyo iyo Faysal waxa uu soo laabtay Nofember 2015-ka. Akhriste, malee waxa isu soo dhaweeyay labada dhinac ee dabka cas kala bixinayay?

Kulanka 18kii Juun 2018ka Dr Cali Khaliif Galaydh, Engineer Faysal Cali-Waraabe iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) ku dhex maray Beljimka waxa aan is leeyahay waxa lagu soo qaaday:

1. Sidii loo amba-qaadi lahaa wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo buray markii ay Soomaaliya fulin weyday heshiisyo lagu galay Turkiga 2013 iyo Jabuuti 2014. Sida qaraarkii la isku af-gartay ee samaynta guddi dhex ah oo hawada maamusha, fadhigooduna Hargeysa yahay iyo in aan la siyaasadayn wixii mashaariicda horumarinta. Way adag tahay in waanwaanta la curiyo iyada oo goaannadii horeba noqdeen hal bacaad lagu lisay.

2. In la isu kaashado deminta colaadda Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland (Soomaaliya). Hawshani waxa ay ka go’daa Dr Cabdiweli Maxamed Cali-gaas.

3. In Soomaaliya ka laabato isku-daygeedii weecinta qaadhaanka caalamku siiyo Soomaalilaand

4. Eng Faysal Cali-Waraabe iyo Dr Cali Khaliif Galaydh oo beryahan meelo Jarmalku ka mid yahay u maray wax loogu yeedhi karo “dilaallid siyaasadeed” waa ay codsadeen ama xantoobsadeen wixii Eebbe ka siiyay ama uga qoray Soomaaliya iyo Caalamka.

5. Dawladda Soomaaliya waxa ay heshay fursad ay dunida ugu muujiso in shir iyaga u gaar ah ay dhex fadhiyaan Guddoomiyaha Xisbi qaran oo Somaliland ka dhisan iyo Madaxweynaha Khaatumo oo heshiis aan dhammayn (incomplete agreement) kula jira Somaliland. Waa madal ay DFS ku muujin karaan in Somaliland ku qaybsan tahay sii-waditaanka hadalka, aragtida midnimada iyo danaha ay Muqdisho ka leedahay soo-celinta isu-taggii labadii gobol ee midoobay 1960kii.

Mudane Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya xaflad lagu lafa-guray heshiiska lala galay DP World ee marsada Berbera oo 8dii Sebtember 2016ka lagu qabtay Hargeysa ayaa yidhi “Wax lacag ah ma aannu soo qaadin. Imakaba ha noo soo shaxaad tegina. Dad moodaya in wax na loo soo dhiibay ayaa taleefanno nagu wareeriyay”. Waxa qosol raftay Muhannad Xaashi Cabdi oo madasha joogay. Imakaba yaan Guddoomiyaha UCID iyo Dr Cali Khaliif Galaydh wax duunyo ah la weydiinnin.

Saddexdaas madar (shir) ee aan faalleeyay ma gef baa mise waa gar?. Waxa aragtidaas falanqayn doona xeeldheereyaasha aqoonta u leh sharciga. Kollayba gobannimada Somaliland waxa aan u arkaa mid ka weyn wax ay qof ama kooxi majare-habaabiyaan, duwaan, leexiyaan ama ku takri-falaan.

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr
siciidgahayr@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid