Sooyaalka JABUUTI iyo DP World: Maxaad u baahan tahay inaad ogaato (Aqri)

Jabuuti (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”

Haddaba hoos ka aqriso sooyaalka Jabuuti iyo shirkadda DP World.

Sanadii 2006, labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in dowladda Jabuuti ay yeelato 67% saamiga dekedda Doraleh, halka DP World ay qaadatay 33%

DP World ayaa dekedda Doraleh ka dhistay terminal ama qeyb loogu magac-daray Doraleh Container Terminal (DCT), oo badeecadaha la isga gudbiyo, kaasi oo loo arko midka ugu casrisan ee dekedda. Terminal-ka ayaa sidoo kale ka ah kan abuura shaqada ugu badan dalka Jabuuti, ayada oo kumanaan qof ay si toos ama aan toos ahayn ay uga shaqeeyaan.

2009, waxaa la furay terminal-ka Doraleh, ayada oo ay goob jog ka ahaayeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah madaxa DP World iyo Sheikh Ahmed Bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah ku xigeenka maamulaha Dubai.

2009, DP World iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u aas-aasay mashruuca howlgalka Doraleh, si sare loogu qaado dhaqaalaha, loona taageero ganacsiga iyo shaqo abuurka.

Kadib furitaanka guddoomiyaha DP World ayaa billaabay dhismaha hotelka Kempinksi Djibouti Palace Hotel, oo qeyb ka ah mashruuca hoteelada ee Nakheel Hotels.

Sidoo kale madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Sheikh Ahmed Bin Mohammed Bin Rashid Al Maktoum, ayaa furay wadda 16 KM ah oo caasimadda Jabuuti ku xireysa Terminal-ka Doraleh, waxaana lagu dhisay lacag 21 milyan oo dollar ah, oo uu bixiyey Sheikh Mohammed, ayada oo waddadana isaga loogu magac daray.

Jabuuti ayaa bishii March 2018 sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha.

Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Labadii August, Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”

Saddexdii August, Dowladda Jabuuti ayaa ku gacansayrtay go’aan ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London ee ka dhanka ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com