27.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

SSC-Khaatumo oo qaaday tallaabo culus kadib arrin ka taagan Laascaanood

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo deg-deg ah, si wax looga qabto xaaladaha kasoo kordhay gudaha magaalada Laascaanood oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dhacdooyin argagax leh.

Hoggaamiye ku xigeenka SSC Mudane Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) oo bayaan culus soo saaray ayaa si adag uga hadlay xaaladahii ugu dambeeyay ee Laascaanood, wuxuuna shacabka iyo ehellada uga tacsiyeeyay dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Laascaanood oo sababay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Shiine ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu qaaday tallaabooyin deg deg-dega, isaga oo xusay in lasoo qabtay dambiileyaasha oo ay ku jiray kuwii kufsiga iyo tacaddiga u gaystay laba gabdhood oo ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool

Ku xigeenka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa soo saaray go’aanno ka kooban lix qodob, wuxuuna sheegay in haatan wixii ka dambeeya wax badan laga beddali doono amniga, isaga oo shacabka ugu baaqay inay dul-qaataan, sidoo kalena ay la shaqeeyaan ciidamada.

Hoos ka akhriso qodobada:-

  1. Waxa ciidamada Boolisku gacanta ku soo dhigeen dhammaan eedaysanayaashii ku xadgudbay sharafta iyo qiyamka gabdhaha iyo kuwii gacanta ku lahaa dhacdadii dhimashada iyo dhaawacaba keentay.
  2. Waxaan hay’adaha nabad-galyada iyo Cadaalada faray in ay dedejiyaan Baadhista iyo Maxakamadaynta Eedeysanayaasha.
  3. Waxa Jawaab dhakhso ah laga sugayaa Guddigii Baadhitaanka ee Wasiirka Caddaaladdu u magaacabay kiiska labada gabdhood ee walaalaha ah.
  4. Si loo ilaaliyo xasilloonida, nabad-galyada iyo kala danbaynta, Waxa ammaanka Caasimadda la wareegay Ciidamada Daraawiishta.
  5. Waxaa Tallaabo sharci laga qaadayaa kuwa ka faa’idaysanaya dareenka shacabka ee wada falalka boobka iyo kala danbeyn la’aanta ah, isla markaana leh danaha ka baxsan aayaha iyo Dawladnimada SSC-khaatumo.
  6. Waxaan u mahadcelinaynaa Waxgaradkii iyo Haldoorkii shaqada adag qabtay 24 saac ee lasoo dhaafay, ee nagu garab galay gudashada waajibkayaga. (Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan).

Dhinaca kale waxaan ammaanka guud ee Laascaanood maanta la wareegay ciidamada Daraawiishta ee maamulka SSC-Khaatumo, kuwaas oo isla markiiba sameeyay howlgallo lagu soo qab-qabtay dadkii ka dambeeyay falalkii ka dhacay magaaladaasi, sida uu sheegay taliyaha ciidamadaasi Cabdifataax Dabagaale.

“Amniga Laascaanood Ciidanka Daraawiishta ayaa hada la wareegay oo gacanta ku haya wax alaale wixii dambi ka dhacay magaalada 24 kii saac ugu dambeeyay sharciga la horgeynayaa, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay nala shaqeeyaan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Farogelin badan baa jirta waxaan rabnaa inaan kala gurno inta howshaasi socoto shacabka waxaan rabnaa inay nala shaqeyaan”.

- Advertisement -

Read more

Local News