SSC-Khaatumo oo shaaca ka qaaday arrin aysan ka yeeli doonin DF Soomaaliya

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa markii u horreysay shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan ka yeeli doonin in masiirkooda lagu xiro dadka ku nool Waqooyiga ama Hargeysa ee Somaliland.

Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo ah hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ka socda dhowrka billood uu yahay mid salka ku haya labo aragtiyood oo kala duwan, kuwaasi oo ah midnimo doon iyo aragti ah gooni-goosad.

Firdhiye ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya oo madax ka tirsan ay ku sugan yihiin Laascaanood inay deegaankiisa uu helo xuquuqdiisa Soomaalinimo.

“Annaga qibladdayada siyaasiga ah waa Muqdisho. Waa caasimadda qaranka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka in dadkan aysan ka qaadin xuquuqdii muwaadin oo ay ku lahaayeen qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Firdhiye.

Waxa uu intaas kusii daray “Mid ma dhici doonto in masiirka dadkan loo sadqeeyo dadka ku dhaqanka Waqooyi iyo Hargeysa.”

Mudane Firdhiye ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadkiisa iyo degaankiisuba ay muddo dheer halgan ugu jireen sidii aan dalka loo kala goyn laheyn, halka taasi beddelkeed ay rabto Somaliland oo uu kala dhaxeeyo dagaal culus.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay difaacaan oo ay la wareegaan ilaalinta midnimada dalkeenna,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa ugu dambeyntiina waxa uu digniin culus u diray Somaliland oo uu sheegay inay qorsheynayaan duulaan ka dhan ah, xilli ciidanka Somaliland lagu jabiyay dagaalkii dabaqayaadii August ku dhexmaray Laascaanood.

Firdhiye ayaa sheegay in maamulkiisa u diyaarsan yahay difaaca xuduudihiisa, uuna jawaab adag ka bixin doono daan-daansi kasta oo uga imaada Somaliland.