Daawo: Qoor-Qoor oo iska soo duubay muuqaal kadib qaraxii Laas-Gacamey

Wisil (Caasimada Online) – Madaxtooyada Galmudug ayaa baahisay muuqaal laga duubay madaxweynaha maamulka Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor kadib qaraxii saaka lagu weeraray Laas-Gacamey, oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.

Muuqaalka Qoor-Qoor oo soconaya in ka badan hal daqiiqo ayaa waxa uu ku cadeeyay in weerarkaasi uusan waxba ka soo gaarin, ayna ciidamada fashiliyeen kahor bartilmaameedkii kooxda la damacsaneyd.

“Waxaa rabaa in aan la wadaago bulshada Soomaaliyeed inay waxba kama jiraan tahay in weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta soo qaadeen waxba nagu gaarin,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.

“Aniga iyo masuuliyiin kale oo ku sugnaa goobaha hor3 ee dagaalka waa caafimaad qabnaa, Alxmadulilah waa fashilmay dhagartoodii iyo dhaqankoodii xumaa, dagaalka wuu soconaya waana laga guuleysanayaa.”

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa weerarkii saaka ku tilmaamay rafashadii u dambeysay ee kooxda Al-Shabaab, “Waxay aheyd wixii ugu dambeeyay oo xag-xagasho ah oo ay isku dayayeen ayuu ahaa waxay sameeyeen Khawaarijta.”

“Waa laga guuleysanayaa Khawaarijta, umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bushaareynaynaa in aad arki doontaan guullo waaweyn oo laga gaaray Khawaarijta. ”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii saakay iyo shirqoolada Al-Shabaab aysan sababi doonin inay dib uga laabtaan furimaha dagaalka, ayna ku sugnaan doonaan inta laga xaqiijinayo hadafka gulufka socda.

“Saddex toddobaad ka badan furimaha dagaalka ku sugneyn haddana waa ku sugnaanayna, guushana waa xaqiijineyna. Dabar-go’ii Khawaarijta waa la jooga oo cadow kasta oo wax shirqoola ama wax sameeya wuu fashilmay wuuna fashilmayaa.”

Weerarka saakay oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday Laas-Gacamey oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada iyo xildhibano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegatay maleeshiyada Al-Shabaab, oo dagaal ka dhan ah uu ka socdo gobollada dalka, kaasi oo kooxda looga qabsaday deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinayeen.

Hoos ka daawo muuqaalka