SSC-Khaatumo oo u quus goysay Puntland, si adagna ugu jawaabtay Saciid Deni

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah uga jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo muujiyay in Puntland ay ka xun tahay xiriirka dhow ee u dhexeeya SSC-Khaatumo iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka SSC ayaa si cad u sheegay in mowqifkooda siyaasadeed uusan ku xirnayn ra’yiga Puntland.

Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa carabka ku dhuftay in maamulka SSC aanu u baahnayn in uu Puntland kala tashado xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe.

Waxa uu xusay in labada dhinacba ay si madax-bannaan ula macaamili karaan dowladda Federaalka, taas oo aan waxba ka beddelayn sharcinimada iyo madax-bannaanida go’aannadooda.

Najiib Barkhadle ayaa si adag u dhaliilay Puntland isagoo xusay in aysan wax wadatashi ah la samayn SSC markii ay xiriir la sameysay maamul gooni u goosad ah, oo ula jeedo Somaliland.

Sidoo kale wuxuu su’aal geliyay sababta SSC looga filan karo inay Puntland kala tashato xiriirka ay la leedahay dowladda federaalka, iyadoo Puntland lafteedu tallaabooyin aan lala oggolayn qaaday.

Wasiirku waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka SSC-Khaatumo uu marar badan isku dayay inuu wada-hadal iyo xiriir la yeesho Puntland, hase yeeshee aysan wax jawaab ah ka helin dhanka maamulkaas, gaar ahaan Madaxweynaha Puntland.

Isagoo arrinta sii faah-faahinaya, Wasiir Najiib ayaa sheegay in SSC aysan cidna uga baahnayn oggolaansho marka ay tahay difaaca danahooda siyaasadeed. Waxa uu xusay in SSC si cad u fahamsan tahay in taladooda u taallo iyaga, ayna tahay mid aan lala sugin go’aamada maamul kale.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in SSC ay dantooda siyaasadeed iyo tan dadkooda ku arkeen in ay xiriir toos ah la yeeshaan dowladda federaalka. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada SSC ee ay ku doonayaan in codkooda laga maqlo heerka qaranka, lagana qayb-geliyo arrimaha siyaasadda dalka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina adkeeyay in SSC ay ku howlan tahay sidii kuraasta deegaanadooda loogu soo dooran lahaa gudaha maamulaan, halkii laga geysan lahaa gobollo kale. Tallaabadan ayaa ah mid ay maamulka SSC ku doonayaan in ay xaqiijiyaan matalaad dhab ah oo salka ku haysa rabitaanka shacabka deegaanka.