Su’aalaha weli aan laga jawaabin kadib warbixintii guddiga Qalbi-Dhagax

Waxaa maanta oo Sabti ah 18ka November 2017, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la horgeeyey warbixintii ay soo diyaariyeen guddigii loo saaray inay soo baaraan kiiska Cabdikariin Sh. Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa muwaadin Soomaali ah kana mid ahaa saraakiisha Jamhada ONLF.

Nuxurka Warbixinta Guddiga

Guddiga Baarlamaanka u saaray arrintan ayaa ka koobnaa 15 xildhibaan oo uu guddoomiye u yahay Xildhibaan Cali Yusuf Cali, (Cali Xoosh). Kooxdan Baarlamaanka u saaray baaritaanka kiiskan ayaa qoraalkii ay maanta usoo gudbiyeen Baarlamaanka ku cadeeyey in dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax ay ahayd mid “Sharci Daro ah.”

Waxay guddiga qeexeen in heshiisyadii horey u dhexmaray dowlada iyo Itoobiya aysan ahayn kuwo la xariira is-dhaafsiga eedeysanayaasha, aysana jirin horey heshiis u dhaxeeyey labada dal oo arrinta beenanaya. Dhiibitaanka Qalbi Dhagax sidoo kale looma marin nidaamka saxda ah ee Garsoorka.

Xog Khaldan

Warbixinta Guddiga ayaa lagu sheegay in hay’ada Nabadsugidda ay xog khaldan u adeegsatay soo qabashada Qalbi dhagax, dhiibidiisa iyo waliba go’aankii kasoo baxay golaha Wasiirada ee lagu sheegay in ONLF ay tahay koox argagaxiso ah. Waxay guddiga sheegeen ONLF inay tahay koox jamhad ah oo aan caalamka u aqoonsaneyn argagaxiso.

Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay wareysiyo guddigan la yeesheen Qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Kheyre iyo Agaasimayaasha Amniga & Socdaalka.

Su’aalaha weli taagan

Inkastoo qoraalka iyo warbixinta guddiga soo gudbiyey ay u badneyd tixraac shuruucdii hore ee dalka iyo talooyin ku aadan Xukuumada sida arrimaha noocaan loo xalin karo mustaqbalka, hadana warbixintan meelna ugama qorneyn sida laga yeelayo Muwaadinka sida sharci darada ah loo dhiibay iyo cida mas’uuliyadeeda qaadeysa!.

Sida ka muuqata warbixinta ay guddiga soo gudbiyeen waxay wareysi la yeesheen qaar kamid ah Wasiirada, Agaasimihii hore ee Nabadsugida, Socdaalka, Taliyaha Booliiska iyo Saraakiisha CID Federaalka.

Dhamaan xubnahan wareysiyadooda ayaa dhacay intii u dhaxeysay 21kii Oktoober illaa 23kii Oktoober.

Xubnaha ay wareysteen iyo Taariikhda

  1. Wasiirka Cadaalada ee Federaalka Soomaaliya – Taariikh 21 Oktoober 2017
  2. Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaran – Taariikh 22 Oktoober 2017
  3. Wasiirka Amniga – Taariikh 22 Oktoober 2017
  4. Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha – Taariikh 23 Oktoober 2017
  5. Taliyaha Booliiska iyo Hay’ada Danbi barista CID – Taariikh 23 Oktoober 2017

Waxaa la yaab ah Guddigan oo la magacaabay bartamihii bishii September inay wareysiyada kiiskan bilaabeen dhamaadkii bishii Oktoober, todobaad kadib markii uu dhacay qaraxii ka dhacay isgoyska KM5 (Soobe) oo ay dadka badan ku dhinteen.

Dhinaca kalena “Eeda” ugu weyn ee khaladka dhacay ayuu guddiga dusha ka saaray Hay’ada Nabadsugida iyo madaxdeeda, waxaana cad in arrintan lagu soo beegay xili shaqadii uu ka tagay Agaasimihii hore ee Nabadsugida Sanbalooshe.

Waxaana sidoo kale warbixintan laga weeciyey in wax dhaliil ah loo jeediyo Xukuumada Kheyre oo iyadu 6-dii September si cad u taageertay go’aankii dhiibista Qalbi-Dhagax.

Guddigan wax wareysi ah lama yeelan Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha dalka oo iyagu ah madaxda Qaranka ee la sheegay inay bixiyeen amarka ugu danbeeyey ee lagu dhiibay Qalbi dhagax, guddiga meysan sheegin sababta ay madaxda sare u wareysan waayeen.

Waxaa xusid muddan in qaar kamid ah Xildhibaanada ku jira guddigan oo xiriir dhaw laleh Xafiiska Raysalwasaaraha ay olole siyaasadeed ka wadeen gobalada ay kasoo jeedaan todobaadyo kahor qaraxii Soobe iyagoo ku mashquulsanaa xiisadihii ka dhex aloosnaa xiligaa Maamul gobaleedyada iyo Dowlada Federaalka, taasi oo lafteeda shaki gelin karta madax banaanida guddigan.

W/Q: Maxamed Jeenyo
Horseed Media