Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho muhiim ah oo uu ku tegay xarunta teknoolojiyadda Turkiga ee Özdemir Bayraktar u kaxeystay Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Jaamac.
Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayadoo bulshada Soomaaliyeed qaarkood ay ka keeneen su’aalo, maadaama booqashadan aheyd mid aad u muhiim ah, lana xiriirtay xoojinta taageerada Turkiga ee dagaalka Al-Shabaab.
Dadka qaar ayaa qaba in booqashadan ay aheyd in madaxweynaha uu ku wehliyo wasiirka difaaca ama madaxda sare ee ciidanka, maadaama waxa laga hadlayo iyo ujeedka booqashada xaruntan tahay xoojinta taageerada Turkiga ee dagaalka iyo ka faa’iideysiga khibradahooda awoodda difaaca.
Wasiir Jaamac oo ah nin si weyn ugu dhow xukuumadda Ankara horeyna usoo noqday wasiirka difaaca ee Soomaaliya ayaa u muuqda inuu yahay furaha Xasan Sheekh ee Turkiga. Turkida ayaa ninkaan si gaar ah u qiimeeya, waxaana dadku tuhun ka muujiyeen nooca xidhiidh ee kala dhaxeeya Ankara.
Ninkan oo markii wasaaradda gaashaandhiga uu joogay aad ula shaqeyn jiray Turkiga, ayaa waxaa la gaarsiiya inuu yahay “masuulka ay Turkidu ugu aaminaada badan yihiin”.
Dhawaan ayey aheyd markii uu Wasiir Jaamac uu madaxweynaha Turkiga Erdogan uu ku qaabilay xafiiskiisa. Kulankaas ayaa illaa hadda laga hayn faah-faahin rasmi ah, balse waa mid kale oo muujinaysa heerka xiriir ee ninkaan iyo Turkiga.
Tan ayaa Soomaali badan su’aalo ka keeneen, iyadoo dadka qaar ay muujiyeen shaki la xiriira sababta dhabta ah ee ka dambeyn karta kalsoonida intaas le’eg ee Turkiga ku qabo ninkaan.
Si kastaba, Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sida muuqata weli wax laga weydiiyaa danaha ku geedaaman xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo la sheego in aad uu isaga ilaaliyo in masuul kale uu xiriir iyo galaangal ku dhex yeesho Turkida.

