Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo culus ayaa ka dhashay tallaabo ay qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay Maraykanka usoo bandhigtay “maamul gaar ah oo hawleed” oo lagu maamulayo dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed, si looga hortago in Washington aqoonsato gobollada gooni u goosadka ah ee dalka. Dalabkan ayaa yimid inkasta oo Muqdisho aysan si toos ah gacanta ugu hayn goobahaas.
Arrintan ayaa bannaanka usoo baxday, ka gadaal markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray warqad dhiggiisa Mareykanka Donald Trump, kuna taariikheysan Maarso 16, taas oo ay heshay Reuters.
Warqaddaas ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “hanti istaraatiiji ah” oo kor u qaadi karta saameynta Mareykanka ee gobolka, hubin karta marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha shisheeye inay saldhig ka sameystaan marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.
Haddaba, arrintan ayaa keentay in su’aalo la is weydiiyo, kuwaas oo ku saabsan tallaabada uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed, oo aad ugu dhow Farmaajo, ayaa ka hadlay kiiskan xasaasiga ah, wuxuuna ka keenay dhowr su’aalood oo muhiim ah in la is weydiiyo, sida: Maxaa hadda kusoo beegay go’aankan, maadaama hore labadaas dekadood loogu wareejiyay Imaaraadka Carabta?
“Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo hore loo siiyay Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta, uu haatan Dowladda Mareykanka ugu gacan haatinayaa inay bilaash ku qaataan?” ayuu yiri Cabdirinuur Maxamed.
Sidoo kale, Cabdirinuur Maxamed Axmed ayaa yiri: “Ma Madaxweynaha ayaa xaalad ‘Cabdoow Khalad Xisaab’ ah oo cabsi uu ka qabo in Somaliland la aqoonsado jar ka tuurtay? Mise Xasan Sheekh iyo Maxamed Bin Zayed ayaa kala dhaqaaqay?”
Su’aalo kale oo taagan:
Waxaa sidoo kale is weydiin mudan su’aasha ah: – Ma Mareykanka ayaa warqadda warbaahinta u dusiyay si uu uga caroodo xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga?
– Maxay tahay sababta wakhtigan go’aanka loo soo bandhigay?
Su’aalo badan oo la xiriira juquraafi siyaasadeed ayaa ka dhashay safarradii kala dambeeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
– Safarkii Abu Dhabi (10-kii Maarso)
– Qorista warqadda Trump (16-kii Maarso)
– Booqashada Shakhbuut Bin Nahyan ee Muqdisho (19-kii Maarso)
– Safarkii Ankara (27-kii Maarso)
– Warqadda la dusiyay (28-kii Maarso)
– Wadahadalladii Madaxweynaha iyo safiirada reer Galbeedka markii uu Muqdisho kusoo laabtay (28-kii Maarso).
Kuleylka bisha Maarso waxaa dalka u dheeraa kulaylka diblomaasiyadeed ee ka tallaabay Mediterranean-ka iyo Atlantic-ga. Inta aan fahmin waxa socda, waqtiga ayaa u macallin ah!