Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in caawa ay dhalatay bisha Shawwaal, oo berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo culimada Soomaaliyeed oo caawa yimid xarunta Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa qadadka taleefanka ku wareystay dad badan oo meelo kala duwan ka arkay bisha oo dhalatay.
Magaalooyinka Hargeysa, Caabudwaaq, Beledxaawo, iyo Wallaweyn, dad kala jooga ayaa culimada u sheegay inay arkeen bisha, waxaana la dhaariyey dadkaas sheegay inay arkeen bisha.
Bisha Shawwaal ayaa sidoo kale laga arkay Sacuudi Carabiya, taasoo ka dhigan dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan. Sidaas darteed, Ciidul Fidriga waxaa si rasmi ah looga dabaal-degi doonaa guud ahaan Boqortooyada Axadda, Maarso 30, 2025, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta Xarameynka.
Aragga bisha Shawwaal ayaa astaan u ah dhammaadka Ramadaanka iyo bilowga bisha Shawwaal, waxaana Sacuudigu adeegsadaa qalab casri ah oo bisha lagu raadiyo.
Xarameynka ayaa duco u diray Muslimiinta iyagoo yiri: “Allaha naga aqbalo soonkeenna (siyām), salaaddeenna habeenkii (qiyām), iyo camalkeenna wanaagsan (a‘māl), hana nagu gaadhsiiyo Ramadaanno badan oo caafimaad qab ah. Aamiin.”
Iyadoo u diyaar garowga maalinta farxadda leh ee ciidda uu bilaabanayo, waxaa la filayaa in malaayiin qof ay isugu soo baxaan masaajidda iyo goobaha salaadda si ay u gutaan salaadda ciidda. Qoysaska iyo asxaabta ayaa kulmi doona si ay isu salaamaan, cunto wadaagaan, una bixiyaan sadaqo — taasoo ah qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka ciidda.