Xog: Mareykanka iyo UK oo cadaadis ku billaabay Xasan Sheekh iyo arrin laga dalbaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ay kulan gaar ah shalay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo xal u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Sida aan xogta ku helnay safiirka UK Michael Nithavrianakis, iyo safiirka Mareykanka Richard Riley ayaa ku cadaadiyey madaxweyne Xasan Sheekh in la furo saaxadda siyaasadeed si loo sameeyo ajande qaran oo mideysan oo lagula dagaallamo argagixisada, loona xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha.

Kulanka ayaa ka dhacay Muqdisho maalintii shalay oo ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu dib ugu soo laabtay dalka, kadib safar hal maalin qaatay oo uu ku tagay Turkiga.

Sida ilo xog ogaal ah sheegayaan, safiirrada ayaa si gaar ah diiradda u saaray baahida loo qabo in la helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, una tarjumaya xaqiiqada siyaasadeed ee dalka. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda wadashaqeyn dhexmarta Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada si loo xoojiyo midnimada dalka, loogana hortago khilaaf sii xoogaysta oo carqaladeyn kara xasilloonida siyaasadeed.

Safiirrada Mareykanka iyo UK ayaa si gaar ah ugu baaqay in si degdeg ah loo bilaabo wadahadal siyaasadeed oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo dhinacyada kale ee saamileyda siyaasadda, sida Puntland iyo Jubbaland, si looga fogaado in khilaafka jira uu horseedo burbur siyaasadeed oo wiiqi kara dadaallada nabadeed.

Qodobkan ayaa yimid xilli xiriirka Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada uu mugdi galay, iyadoo khilaafyo siyaasadeed oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka iyo awood qeybsiga ay sare u sii kacayaan.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya weli aysan si rasmi ah uga jawaabin talooyinka adag ee safiirrada, inkastoo madaxtooyadu horay u muujisay diidmo la xiriirta tallooyinka noocan oo kale ah oo ka imaanayey mucaaradka gudaha iyo beesha caalamka.

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, sida Puntland iyo Jubbaland, ayaa salka ku haya muran la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo awood-qeybsiga siyaasadeed.

Puntland ayaa si gaar ah uga soo horjeedda hannaanka doorashooyinka ee la dejinayo, iyadoo ku doodaysa in ay muhiim tahay in la gaaro is-afgarad siyaasadeed ka hor inta aan la bilaabin wax ka beddelka nidaamka doorashooyinka.

Mareykanka iyo UK, oo ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee Soomaaliya, ayaa marar badan ku celceliyey in horumar laga gaaro siyaasadda gudaha ay muhiim u tahay guusha dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo horumarinta geeddi-socodka nabadda.

Labada dowladood ayaa sidoo kale ka digay in sii socoshada khilaafaadka siyaasadeed ay wax u dhimayso dadaallada dib u dhiska qaranka iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

Waxaa la sugayaa in Villa Soomaaliya ay si rasmi ah uga falceliso tallooyinka safiirrada, iyadoo laga cabsi qabo in haddii talooyinka la iska dhego tiro ay sii xumaan karto xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Â