27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Su’aasha bilyanka dollar: Somalia oo wajaheysa xaalad halis ah oo lagu xisaabtamin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Entebbe (Caasimada Online) – Sida ku cad qiyaasaha miisaaniyadda ee la sameeyey, Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) wuxuu u baahan doonaa ku dhowaad $1 bilyan oo doollar si looga hortago burbur amni oo dhammaystiran oo ka dhaca dalka.

Midowga Afrika wuxuu sidoo kale u baahan yahay $96 milyan oo doollar si loogu bixiyo deymaha harsan ee hawlgalkii hore ee Midowga Afrika ee ku-meelgaarka ahaa ee Soomaaliya (ATMIS).

Hase yeeshee, waxaa jirta dhibaato asaasi ah. Cidna si dhab ah uma oga halka ay lacagtani ka imaanayso. Deeq-bixiyeyaashii joogtada ahaa way ka gaabsanayaan, iyagoo ka caga-jiidaya inay ballanqaadyo sameeyaan ama ku kooban hadallo aan caddeyn.

Tani waa nuxurka natiijadii shir madaxeedkii aan caadiga ahayn ee madaxda dowladaha ee Jimcihii, kalfadhigii wasiirrada ee ka horreeyay, iyo kulamadii saraakiisha sare iyo madaxda milatariga ee waddamada ciidamada ku deeqa hawlgallada nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Waa xaalad ismari-waa ah, oo aanay gacan ka geysanayn xaqiiqada ah in intii lagu guda jiray diyaar-garowga shir-madaxeedka lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Uganda ee Entebbe, uu Midowga Afrika soo bandhigay tirooyin xaqiiqda qallafsan muujinaya si uu u kasbado taageerada deeq-bixiyeyaasha muhiimka ah, si ay ugu yaboohaan lacag caddaan ah loogana hortago dhibaatada maalgelin ee baaxadda leh ee haysata AUSSOM, laakiin taasi mira-dhal ma noqon.

Gunaanadkii soo-jeedintiisa, Safiirka Maraykanka ee Uganda William W. Popp ayaa carrabka ku adkeeyay in Washington aysan maalgelin doonin AUSSOM, ha noqoto mid hoos timaadda Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee 2719 ama xitaa mid ku salaysan qaab isku-dhafan.

“Go’aanka Maraykanka ee ku aaddan maalgelinta AUSSOM is kama beddelin sidii uu ahaa sanadkii tagay,” ayuu yiri, isagoo dhaliyay eegmooyin aamusan oo meesha ka saaray rajadii baaqii hore ee madaxa guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ee ahaa in Qaraarka 2719 ee Golaha Ammaanka “uu weli yahay fursadda noogu wanaagsan.”

“Maraykanku ma taageeri doono in qaab-dhismeedka [Qaraarka UNSC] 2719 lagu dabaqo AUSSOM, maadaama aan aaminsanahay in xaaladda Soomaaliya aysan ahayn tan ku habboon ee lagu dabaqi karo. Sidoo kale ma taageeri doonno qaabka isku-dhafan ee Qaraarka 2719, maadaama aan rumaysannahay inay wiiqayso nuxurka iyo ujeeddada qaraarka,” ayuu sharraxay Mr. Popp.

Wakiillada deeq-bixiyeyaasha waaweyn – ergayga Maraykanka, Danjiraha UK ee Uganda Lisa Chesney, iyo Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Kampala Jan Sadek – ayaa dhammaantood hadlay ka dib soo-jeedin kooban oo uu bixiyay Bankole Adeoye, Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga.

Xaqiiq rajo beel

Adeoye wuxuu si cad u soo bandhigay xaqiiqada adag ee uu hawlgalku wajahayo. Tan iyo markii la howlgeliyay Janaayo 1, 2025, AUSSOM waxaa lagu leeyahay lacag dhan $45 milyan oo aan la bixin oo ah qarashkii muddadii Janaayo-Maarso, iyo qaddar la mid ah oo ku aaddan muddadii April-Juun ka hor inta uusan howlgalkiisa si rasmi ah u bilaaban July 1, 2025.

“Waxaan u baahannahay $15 milyan oo doollar bishii. Taasi waa xaqiiqada jirta. Lacagtaasna hadda ma haysanno,” ayuu u sheegay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca oo ku shirayay Hotelka Mestil ee Kampala, halkaasoo uu ka dhacay kalfadhiga wasiirrada ee waddamada ciidamada ku deeqa (TCCs).

Wuxuu faahfaahiyay in $15 milyan loo baahan yahay si loo bixiyo mushaharka ciidamada Soomaaliya. Laakiin Midowga Afrika wuxuu haystaa oo keliya $16.7 milyan oo loogu talagalay muddo hal sano ah. “Tani waa xisaabta ay tahay inaan wajahno annagoo ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyo dabcan, waddamada ciidamada iyo booliska ku deeqa.”

Sida uu sheegay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, baahida guud ee lacageed ee AUSSOM ee sanadkan waa $190 milyan, laakiin waxaa u diyaar ah oo keliya $16.7 milyan – oo qaybta ugu badan ka timid Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika, oo ay weheliso $3 milyan oo ay ballanqaadday Japan iyo $1 milyan oo Shiinuhu ballanqaaday.

Tani waxay dabooleysaa kaliya 8.7 boqolkiiba baahida jirta.

Halkaasna kuma eka. Hawlgalkii hore ee ATMIS, waxaa ka harsan deymaha gaaraya $96 milyan oo doollar oo ah muddadii 2022-2024, kuwaasoo inteeda badan ururtay markii ay Soomaaliya codsatay “hakad farsamo” si dib loogu dhigo dhimista ciidamada.

“Sababtu waa kordhinta joogtada ah ee muddada dhimista ciidanka, taasoo uu oggolaaday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayna ansixiyeen Golaha Ammaanka ee QM,” ayuu sharraxay Adeoye.

Isku-darka miisaaniyadda shanta sano ee AUSSOM iyo deymaha ATMIS, Midowga Afrika wuxuu u baahan yahay $1.046 bilyan oo doollar. Inta badan miisaaniyadda waxay daboolaysaa gunnooyinka ciidamada oo heerkeedu yahay $1,000 qofkiiba bishii, halka magdhawga dhimashada iyo naafanimada iyo gunnada nolol-maalmeedka hawlgalka ee ciidamada, booliska iyo shaqaalaha rayidka ahi ay yihiin inta kale ee kharashka.

Sida ay hadda xaaladdu tahay, Midowga Afrika wuxuu rajo ka qabaa natiijada ka soo baxda Warbixinta Istiraatiijiyadeed ee Madaxa Bannaan ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taasoo hirgelin karta Qaraarka 2719. Laakiin ururka qaaraddu wuxuu sidoo kale rajo ka qabaa shirka deeq-bixiyeyaasha ee lagu qabanayo Doha, Qatar – oo loo qorsheeyay April, balse aan weli taariikh cayiman loo qaban.

Maaddaama fursaduhu ay kooban yihiin, waxaa kale oo la isku halleynayaa hawlgalka wadajirka ah ee UN-AU ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika Donald Kaberuka, kaasoo hadda ku sugan Washington DC, isagoo raadinaya ilo dhaqaale oo dheeri ah, waxaana si degdeg ah looga sugayaa warbixin uu u gudbiyo Addis Ababa ka hor dhammaadka bishan.

Maaddaama waajibaadka hawlgalka AUSSOM uu si rasmi ah u bilaabmayo July 1, waqtiga ayaa ciriiri ah. Bisha soo socota, deeq-bixiyeyaasha, oo ay isu keenayso Boqortooyada Midowday (UK), ayaa kulmi doona si ay u go’aamiyaan mowqifkooda kama dambaysta ah ee Qaraarka 2719 ayna warbixin cusub u siiyaan Golaha Ammaanka ee QM.

Ergayga Midowga Yurub u fadhiya Uganda, Jan Sadek, wuxuu sheegay in, si kasta oo ay waddadu u adag tahay, ay waajib ku tahay dalaka ciidamada ku tabaruca (TCC) iyo dhammaan bah-wadaagta Soomaaliya inay aqoonsadaan baahida loo qabo fikir cusub iyo habab maalgelin oo suurtageliya in culayska si siman loo wadaago inta u dhaxaysa deeq-bixiyeyaashii hore iyo kuwa cusub.

Brussels, oo ahayd maalgeliyihii ugu weynaa ee hawlgalladii hore ee Midowga Afrika, kuna bixisay qiyaastii €2.7 bilyan ($3.07 bilyan), waxay doorbidaysaa hirgelinta isku-dhafan ee Qaraarka 2719, iyadoo u aragta dariiqa keliya ee suurtagalka ah ee lagu heli karo maalgelin waarta oo la isku halleyn karo oo loogu talagalay AUSSOM.

Midowga Yurub wuxuu caddeeyay in dalalka xubnaha ka ahi ay horeyba u bixiyaan rubuc ka mid ah dhammaan qaaraannada la qiimeeyay ee QM, wuxuuna soo dhaweynayaa dib-u-eegista istiraatiijiyadeed iyo dib-u-habaynta UNSOS, taasoo qayb ka ah diyaar-garowga hirgelinta Qaraarka 2719 sida lagu codsaday Qaraarka 2767.

Isagoo markii ugu horreysay la hadlaya TCC tan iyo markii loo doortay jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika bishii Febraayo, Maxamuud Yuusuf Cali wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay gacan siiyaan Soomaaliya ama ay iska fariistaan oo ay markhaati ka noqdaan Geeska Afrika oo u qarxaya musiibo amni oo gobolka halakeysa.

“Si loo xoojiyo soo celinta deegaannada la xoreeyay, waa inaanu fashilmin kala-guurka ATMIS loona gudbayo AUSSOM. Waa run, hawlgalku wuxuu wajahayaa caqabado dhaqaale. Wali waxaa jira caga-jiid ku aaddan hirgelinta Qaraarka 2719. Annagu Guddiga ahaan waxaan si adag uga shaqeyneynaa sidii aan taas u suuragelin lahayn,” ayuu yiri.

Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhererkeedu yahay 3,000km oo marta waddooyin ganacsi oo istiraatiiji ah oo isku xira Aasiya, Afrika iyo Yurub. Sannadihii 2010 iyo 2011, burcad-badeed Soomaali ah ayaa qafaashay maraakiib marayay Gacanka Cadmeed – meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya – taasoo ugu kacday shirkadaha caymiska iyo milkiileyaasha maraakiibta ee caalamka kharash dhan ku dhowaad $7 bilyan.

Xilli ay Al-Shabaab dib u soo xoogaysanayso laguna warramayo inay saldhigyo ka dhisayaan duleedka Muqdisho, Madaxa Guddiga Midowga Afrika wuxuu ku doodayaa inaysan meesha ka marnayn in kooxaha xagjirka ahi ay ka faa’iidaystaan firaaqa amni ee ka dhalan kara Soomaaliya, si ay difaac ugu fidiyaan burcad-badeedda, ayna uga qayb qaataan fal-dembiyeedkan ka dhaca badaha waaweyn ee gobolka.

“Maanta, waxaan AUSSOM u weydiisanaynaa oo keliya $190 milyan sannadkan gudihiisa, iyadoo aan lagu darin deymaha harsan. Xasiloonida iyo amniga Soomaaliya waxay dan u yihiin nabadda adduunka,” ayuu yiri Youssouf.

Soipan Tuya, Wasiirka Difaaca ee Kenya, ayaa sheegtay in waddamada ciidamada ku deeqa (TCC) uu horeyba u saaran yahay culays dheeraad ah oo ah inay sii wadaan kharashka ciidamada aan ku jirin nidaamka ATMIS, maaddaama aan weli la maalgelin lixda bilood ee hadda socota.

“Baahi kasta oo dheeri ah waxay culays dhaqaale oo aan la xamili karin saari doontaa waddamada ciidamada ku deeqa,” ayay tiri, iyadoo ka digtay in inkastoo QM ay taageertay saadka, Midowga Yurubna uu ka qayb qaatay gunnooyinka ciidamada, “ay caddahay inay na haysato daal dhanka deeq-bixiyeyaasha ah.”

Haddii aan la helin is-afgarad buuxa oo ku saabsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee 2719 ee sanadkii 2023 – kaasoo soo jeedinaya in hawlgalka lagu maalgeliyo ilaa 75 boqolkiiba iyadoo la adeegsanayo qaaraannada QM ee la qiimeeyay, inta hartayna laga raadiyo bah-wadaagta – waxaa dhici karta in AUSSOM ay sii waddo halganka ay ku jirto.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa u sheegay wargeyska The EastAfrican inay jirto ballanqaad aan la faahfaahin oo ka yimid UK, oo ah dalka qalinka u haya arrimaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, laakiin faahfaahintu weli waa mid aan badnayn, taasoo sii kordhinaysa su’aalaha ku saabsan saadaalinta iyo ku filnaanshaha maalgelinta, iyo in London – haddii aysan helin taageerada Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ka gaabsanaya – ay keligeed taageeri karto AUSSOM illaa 2029.

Runtii, Ms. Chesney ma aysan sheegin wax tirooyin ah, laakiin waxay xustay in “farqiga maalgelintu uu yahay mid dhab ah” ayna “jirin xal degdeg ah,” iyadoo raacisay in culays-wadaagga iyo helitaanka deeq-bixiyeyaal dheeri ah ay fure noqon doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxay si dadban u tilmaantay inay tahay in Midowga Afrika uu xal u helo arrimaha harsan ee la xiriira qaab-dhismeedka iyo habka loo dejinayo maalgelinta.

Shir-madaxeedkii April 23-25 waxaa lagu heshiiyay Aqalka Madaxtooyada Entebbe, intii lagu guda jiray booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni Febraayo 7, 2025, si looga arrinsado dhibaatada maalgelinta iyo sidoo kale in la sameeyo guddi kormeer siyaasadeed oo hubiya xoraynta Soomaaliya.

Markii ugu horreysay, Masar ayaa ku biirtay TCC – Uganda, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Masar waxay beddeshay Burundi oo muddo dheer ka mid ahayd waddamada ku deeqa ciidamada, taasoo ka baxday ka dib khilaaf kala dhexeeyey Muqdisho oo ku saabsanaa qoondada tirada ciidanka.

Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa xusuusiyay deeq-bixiyeyaasha in caqabadda ugu weyn ee dalkan Geeska Afrika ay weli tahay amniga: la dagaallanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo xasilinta deegaannada la xoreeyay.

“Halkani waa meesha uu AUSSOM ka yahay mid lama huraan ah. Waa run in Ciidanka Qaranka Soomaaliya uu sii xoogaysanayo, laakiin weli ma aanan gaarin heer aan dagaalkan keligeen ku dhammeyn karno,” ayuu yiri.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay, Al-Shabaab waxay xoojisay weerarradeeda, gaar ahaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyo sidoo kale madaafiic ay ku garaacday Muqdisho, taasoo dowladda xusuusinaysa in argagixisadu ay weli tahay khatar joogto ah oo aan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse sidoo kale halis ku ah xasiloonida gobolka.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News