Sucuudiga oo iska fogeeyey eedeyntii Mareykanka

Riyadh (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada dalka Sucuudiga ayaa jawaab ka bixisay warbixin kasoo baxday sirdoonka Mareykanka oo lagu sheegay in dilkii loo geystay Wariye Jamaal Khaashuqji uu amray Maxamed Bin Salmaan

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in eedeynta loo jeediyey Amiirka Dhaxalsugaha  Sucuudiga ay tahay mid lasoo dhoo-dhoobay oo waxba kama jiraan ah.

Qoraalka wasaaradda arrimaha Sucuudi Carabiya ayaa sidoo kale  lagu sheegay in warbixinta Mareykanka ay tahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’.

Hadalkan ayaa daba socda warbixinta uu shaaciyay maamulka madaxweyne Joe Biden, taas oo tibaaxaysa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriye  Khaashuqji oo 2018kii lagu dhe-xdilay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbuul.

“Waxaan ogaannay in Amiirka Dhaxalsugaha ah ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sacuudi Jamaal Khaashuqji,”  ayaa lagu yiri warbixinta Mareykanka.

Si kastaba waa markii ugu horraysay ee uu Mareykanka si cad u carab-baabo magaca Amiirka Shaxalsugaha ah Maxamed Bin Salman, kaas oo horey u dafiray dilkaasi.