25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Suurtagal ma tahay in Xamza lagu rido mooshinka socda?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan wada mooshin culus oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, kaas oo lagu diyaarinayo Nairobi, sida ay shaaciyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaan Sanyare, oo kamid ah mudanayaasha wax ka wada mooshinka, ayaa xaqiijiyay in ilaa iyo hadda ay saxiixeen xildhibaanno gaaraya 120 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka.

Sidoo kale, Sanyare wuxuu sheegay in 23-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ay qorsheeyeen in mooshinkaas la keeno kulanka Baarlamaanka, si kalsoonida loogala noqdo Ra’iisul Wasaare Xamza iyo xukuumaddiisa.

“Mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda Xamza Cabdi Barre ee la keeni doono maalinta Sabtida ah 23 August, insha Allah, waxaa saxiixay xildhibaanno gaaraya 120 mudane, weli waxaa naga dhiman 20 mudane. Xildhibaankii raba inuu cibaadaysto aniga ha ila soo xiriiro,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo waqooyiga Gaalkacyo laga soo doorto.

Haddaba, suurtagal ma tahay in Xamza lagu rido mooshinka socda?

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa gebi ahaan meesha ka saaray suurtagalnimada in xilligan la rido Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo si weyn u difaacay xukuumadda.

Maareeye ayaa intaasi ku daray in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay haatan haysato taageerada ugu badan ee xubnaha Baarlamaanka, isla markaana aan waxba looga qaadi doonin mooshinka lagu diyaarinayo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

“Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza waxay haysataa taageerada 90% xubnaha Baarlamaanka, sinna suurtagal uma noqon doonto in lagu rido mooshin la soo dhoofiyey oo diyaarad lagu sido!” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kamid ah xubnaha aadka ugu dhow Ra’iisul Wasaare Xamza, ayaa shaaciyay in afar qof oo kaliya ay waddaan buuqa taagan, isla markaana aysan wax culeys ah u arkin mooshinkooda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xubnaha ku howlan inay keenaan Baarlamaanka, ayna iska daayaan buuqa ay ka wadaan baraha bulshada ee Internet-ka.

“Xukuumadda Dan-Qaran afar qof buuqooda mid ku baxeyso ma aha, ee haddaad wax haysaan Golaha Shacabka BJFS maad keentaan? Maxaa Facebook iyo Twitter (X) kala doonteen buuqiina, alleen baraha bulshada mooshin lama keeno?” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu xilka dheeraa, marka dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen Ra’iisul Wasaareyaashii Soomaaliya soo maray, taasina waxaa sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u qabo Ra’iisul Wasaarihiisa.

- Advertisement -

Read more

Local News