Suxufi caan ah oo isku soo taagay kursigii la sheegay in la siiyey CC SHAKUUR

Muqdisho (Caasimada Online) – Suxufiga rug cadaaga ah ee Xasan Sheekh Axmed Cadde ayaa kusoo biiray masraxa tartanka doorashada golaha shacabka, isaga oo isku soo taagay kursiga HOP138 ee yaalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Xasan Cadde ayaa kursigan kula loolami doona siyaasiyiin uu ka mid yahay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kursiga HOP138 ayaa waxaa hadda ku fadhiya ganacsadaha wayn ee Siciid Nuur Giriish, ayada oo sanadii 2016 loolankii adkaa ee kursigaas loo galay ay ku baxday lacag dhan hal milyan oo dollar. Si kastaba, Saciid ayaa la sheegay in markan uusan musharax aheyn.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta ugu saamaynta badan dhinaca Galmudug, ayaa sanadkankan ka duwan sanadadii hore, waayo waxaa jirta culeysyo siyaasadeed oo la doonayo in kursigan aan tartan loo gelin.

Horey waxaa u jiray warar sheegaya in beesha leh kursiga ay siisay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, uuna qaadanayo tartan la’aan, hase yeeshee loolanka ka imanaya Xasan Cadde ayaa wax weyn ka beddeli kara xaaladda.

Su’aasha hadda waxay tahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur diyaar ma u yahay tartankan, sababtoo ah haddii looga adkaado waxay saamayn ku yeelan kartaa rajada uu ka qabo kursiga madaxweynaha Soomaaliya.

Wax walba waxay kala caddaan doonaan maalmaha soo socda marka uu guddiga doorashada Galmudug ku dhowaaqo liiska musharaxiinta kursigan.