DF oo war kasoo saartay weeraradii ABU DHABI

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay weeraradii xooganaa ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.

Cabdisaciid ayaa sheegay in dowladda federaalka ay si kulul u cambaareyneyo weeraradaas oo ay fulisay kooxda Xuutiyiinta oo adeegsatay diyaarado drone oo qaraxyo xambaarsan.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tacsi u dirayaan qoysaska ay dadkooda ku dhinteen weeraradaas, kuwa dhaawaca ahna ay u rajeynayaan caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,” ayuu sii raaciyey wasiir Cabdisaciid.

Weeraradan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday illaa saddex qof, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska.

Dadka dhintay sidoo kale laba ka mid ah waxa ay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu ka soo jeedo waddanka Pakistan.

Imaaraadka Carabta ayaa aad u yareeyey joogitaankooda militari ee dalka Yemen 2019-kii, xilli la isku mari waayey dagaalka ayna sare u kacday xiisadda gobolka iyo Iran, hase yeeshee waxay saameyn ku leeyihiin ciidamada hubeysan ee Yemen oo ay tababareen.