Suxufiyiinta madaxa banaan oo loo diiday kulamada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii ugu horreeyey ee Kalfadhiga lixaad ee golaha shacabka oo goor dhow ka furmaya xarunta Villa Hargeysa ayaa loo diiday inay ka qeyb galayaan Wariyeyaasha warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golahaasi, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku wargeliyey in hadda kadib aan loo ogolaan doonin in ay warar ka soo tabiyaan gudaha xarunta golaha shacabka Soomaaliya.

Intaasi kadib Wariyeyaasha ayaa dib u soo laabtay, waxaana arrintan ay qeyb ka tahay caburin lagu hayo warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in tabinta wararka la xariira Baarlamaanka loo ogol yahay warbaahinta dowladda, sida Raadiyaha,Tv-ga iyo Wakaaladda SONNA.

Sida aan xogta ku helnay arrintani ayaa laga gol leeyahay in lagu xadido dhaq dhaqaaqa Wariyeyaash, gaar ahaan kuwa wararka ka doona halkaasi.

Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaara ayaa horay loogu diiday Wariyeyaasha, marka laga reebo shirarka qaar, waxaana warbaahinta loo soo diraa warar la soo tafaftiray oo soo mara xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada.

Dhowaan ayey aheyd markii Wariyeyaasha oo shir jaraa’id qabtay ay soo bandhigeen dhibaatooyin ka heysta xafiisyada dowladda iyo shirarka ka dhaca Caasimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com