Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan ayaa maanta kulan fogaan arag ah uga qeyb galay alaada ZOOM-ka, kaasi oo ku saabsanaa dabaal-dagga aas-saaskii iyo axdigii Qaramada Midoobay.
James Swan ayaa intii socday kulankaasi waxa uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya, isagoon sheegay arrimo ay kala shaqeynayaan Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, oo u muuqday balan-qaad.
Waxa uu sheegay in dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka ay kala shaqeynayaan arrimaha doorashooyinka sida; 1. dhaqaalaha, 2. amaanka iyo 3. in codbixinta noqoto mid daah-furan oo ka maran musuq iyo nin jeclaysa iyo 4. xaqiijinta qoonda haweenka ee siyaasadda, si loo gaaro ayuu yiri hurmar iyo xal-waara.
Swan ayaa carabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay ka taageerayso dowladda federaalka Soomaaliya inay qaadato mas’uuliyada amaanka, gaar ahaan xiliga doorashooyinka iyada oo kaashaneysa ciidamada wadamada Soomaaliya saaxiibka la ah, sida kuwa howl-galka midowga Africa ee Soomaaliya.
Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya u fidiya taageero baaxad leh, iyada oo muddooyinkii dambena ay xooga saarayeen arrimaha doorashooyinka, iyada oo shalayna war-saxaafadeed ay soo saareen uga digay in tartanka siyaasada ay koox keliya isku koobto.
War-saxaafadeedkaasi oo shalay kasoo baxay UNSOM ayaa ku baaqayey in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan taasoo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Si taas loo gaaro, waa in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka/ururka.
Waxa kale oo qoraalkaasi lagu sheegay in dimuqraadiyaddu ay ka wayn tahay qabashada doorashooyinka, ayna ka dhigan tahay xaqiijinta in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay oggolaanayso in dhammaan dadka ay ka qaybgalaan nolosha guud/dowladda.
Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa leh iskaashi muddo dheer ah, iyada oo lagu tiriyo hay’adaha caalamiga ah ee qeybta weyn ka qaadatay dhismaha dimuqraadiyadda, nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

