Galmudug oo ka hadashay arday qarax ku dhimatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa lagu helayaa arday ku geeriyootay hal goob oo ku taalla deegaanka Bangeelle ee gobolka galgaduud.

Wasaaradda waxbarashada, hiddaha & tacliinta sare ee maamulka Galmudug oo faah faahin ka bixisay geerida ardaydaasi ayaa sheegtay inay tiro ahaan gaarayaan illa afar caruur ah, waxa ayna ku dhinteen gumac mad-fac oo ku qarxay xilli ay ku ciyaarayeen.

Sidoo kale wasaaradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada caruurtaasi, gaar ahaan waalidiinta ay ka geeriyoodeen.

Galmudug ayaa sidoo kale shaacisay magacyada ardayda geeriyootay iyo fasalada ay kala dhiganayeen:-

1- Cabdullaahi Shugri Maxamed Waxuu Dhiganayay Fasalka 6aad, 2- Axmed Wali Qorane Nuur Fasalka 4-aad, 3- Sharmaake Cabdiqaadir Nuur Cabdille Faslka 4-aad iyo 4- Kaamil Daroor Maxamed Cali Fasalka 3-aad.

Ugu dambeyn wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa tilmaamtay inay bilaabi doonto wacyigelin la xiriirta ka hortagida waxyaabaha qarxa.

Soomaaliya oo ay ka dhaceen dagaallo sokeeye ayaa waxaa weli meelaha qaar yaalla hardaadiga hub aan qarxin, waxaana ka dhasha waxyeelo kala duwan oo ay geystaan, sida dhimasho iyo dhaawac ka soo gaara shacabka, gaar ahaan caruurta yar-yar.