25.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

JAMES SWAN oo billaabay dhaq-dhaqaaq cusub xilli ay kasii dareyso xiisadda dalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa kulamo ka bilaabay magaalada Muqdisho, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Swan ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Kulankaan oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo xafiiska QM ee Soomaaliya.

Ergey Swan ayaa intii kulanka socday Guddoomiyaha Golaha Shacabka faahfaahin ka siiyay howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo la isla soo qaaday arrimaha wax ka beddelka dastuurka ee gadaal ka riixayso Villa Somalia.

Dhinaca kale, Guddoomiye Madoobe ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku amaanay wada-shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Golaha Shacabka.

Aadan Madoobe ayaa uga mahad-celiyay taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, isagoo ku booriyay in ay sii laba jibbaaraan taageeradooda Soomaaliya.

Swan oo ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon fiican u leh arrimaha Soomaalida ayaa inta badan door muuqda ka qaata dejinta xiisadda siyaasadeed ee dalka, isagoo xiriir wanaagsan la leh dhinacyada isku haya siyaasadda.

Si kastaba, khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News