Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa Jowhar uga dhawaaqday natiijada imtixaankii qaranka ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025, kaas oo 38,471 arday ay u fariisteen.
32,714 arday ayaa baastay imtixaanka, halka 5,757 arday ay ku dhaceen, sida ku cad natiijada Jowhar lagu soo bandhigay galabta.
Markii tiro boqoley ah lagu qiimeeyo tirada baastay iyo kuwa ku dhacay imtixaankii sanadkaan, 85% ardaydii imtixaanka gahay ayaa ku baastay, halka 15% ay ku dhaceen.
Caa’isha Aadan Ugaas Xirsi ayaa sanadkaan gashay kaalinta 1-aad ee Imtixaanka Qaranka, gabadhaas ayaa ka baxday Dugsiga SOS ee Gobolka Banaadir.
Caa’isha waxay heshay cel-celis ahaan 91.99% oo ah natiijadii ugu sareysay ee imtixaanka sanadkaan laga qaaday ardayda Soomaaliyeed.
Khaalid Cabdinuur Xuseen oo reer Jubbaland ah ayaa galay kaalinta 2-aad.
Feysal Ibraahim Maxamed Cali oo reer Koonfur-Galbeed ah ayaa galay Kaalinta 3-aad.
Fartuun Tahliil Caalin Guuleed oo reer Hirshabeelle ah ayaa gashay Kaalinta 4-aad.
Cabdiqani Cabdixakiin Xassan Axmed oo reer Galmudug ah ayaa galay Kaalinta 5-aad.
Kaalinta 6-aad waxaa si wadajir ah u galay Cabdi Isaaq Xusseen, Dugusga Salaaxudiin iyo Ramla Isaaq Maxamuud, oo ka baxay dugsiga Al-bashiir, labadooduba waa reer Koonfur-Galbeed.
Kaalinta 7-aad waxaa gashay Khadra Axmed Cabdiraxmaan Xassan, oo reer Hirshabeelle ah.
Cadnaan Cabdiwali Maxamed, oo reer Muqdisho ah ayaa galay kaalinta 8-aad.
Cabdiqaadir Maxamed Diiriye oo isna reer Muqdisho ah ayaa galay kaalinta 9-aad, halka Ilhaam Nasiib Nuur oo reer Hirshabeelle ah ay gashay kaalinta 10-aad.
Imtixaanka sanadkaan wuxuu ahaa kii ugu dhicitaanka badnaa, Caasimada Online waxay heshay xog sheegeysa in markii hore ay dhaceen 11 kun oo arday, wasiirka waxbarashada oo natiijadaas la yaabay ayaa la sheegay in uu codsaday in heerka qiimeynta ardayda wax laga dhimo si loo yareeyo lambarka dhacay, taas oo la dhaafi waayey tiradaan dhaafeysa shanta kun.


