25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Sweden oo soo tarxiishay Soomaali badan iyo kuwa kale oo la qorsheynayo dhowaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dalkeeda ka masaafurisay sideed muwaadin oo Soomaali ah, waxayna isu diyaarinaysaa inay celiso ugu yaraan 15 kale, xilli ay dowladdaasi dhaqangelinayso siyaasaddeeda ugu adag ee dhinaca socdaalka muddo tobannaan sano ah, tallaabo ay madaxda jaaliyadda Soomaalida ka digeen inay halis weyn gelin karto dadka la celinayo.

Shan iyo tobanka qof ee sugaya in la masaafuriyo ayaa hadda ku jira xabsiyada dalka Sweden, sida uu sheegay Yoonis Khaliif oo ka tirsan Ururka Jaaliyadda Soomaalida ee Sweden. Wuxuu intaas ku daray in dadka la celinayo ay isugu jiraan kuwo aan loo cusboonaysiin sharciga deggenaanshaha iyo kuwo magangalyo-doon ah oo muddo u dhaxaysa saddex ilaa toban sano jawaab ka sugayay codsiyadooda.

“Arrintan waa mid ay dowladda cusub ku hawlanayd muddo dheer,” ayuu Yoonis Khaliif u sheegay BBC-da. “Waxaa dadkaas ka mid ah dad da’ ah, carruur, iyo dhallinyaro qaan-gaar ah, oo qaar badan oo ka mid ah ay shaqeeyaan oo canshuurta bixiyaan, kuwaas oo hadda luminaya xaqa ay u lahaayeen inay dalka sii joogaan.”

Yoonis Khaliif wuxuu sheegay in wakiillada jaaliyadda ay qorsheynayaan inay toddobaadkan magaalada Stockholm kula kulmaan safaaradda Soomaaliya si ay ugala hadlaan arrimaha masaafurinta, ayna horey arrintan ula wadaageen mas’uuliyiinta Sweden. Wuxuu xusay in dowladdii hore ay ahayd mid si weyn u dhageysan jirtay tabashooyinka Soomaalida, balse maamulka hadda jira uu mawqif adag ka qaatay arrintan.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay isbaheysiga laga tiro badan yahay ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson sannadkii 2022, oo ay taageerayaan xulafadiisa garabka midig iyo xisbiga la dagaallanka socdaalka ee Sweden Democrats, ayay Sweden soo rogtay tallaabooyin loogu talagalay in lagu yareeyo qaabilaadda qaxootiga iyo in la adkeeyo shuruudaha bixinta magangalyada.

Sannadkii 2024, waxaa sharciga deggenaanshaha la siiyay oo kaliya 6,250 magangalyo-doon, taasoo ah hoos u dhac boqolkiiba 42 ah marka loo eego xukuumadihii hore, waana tiradii ugu hooseysay ee la diiwaangeliyo tan iyo 1985, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Sweden (Swedish Migration Agency). Codsiyo yar ayaa la aqbalay, waxaana tirada sharciyada cusub ee deggenaanshaha ee la bixiyay ay gaartay heer taariikhi ah oo aad u hooseeya.

Dowladda ayaa siyaasaddan ku difaacday inay lagama maarmaan u tahay si wax looga qabto caqabadaha miisaaniyadda, balse dadka dhaliila, oo uu ku jiro Yoonis Khaliif, ayaa sheegay in sababaha dhaqaale aysan marmarsiiyo u noqon karin in la masaafuriyo dad muddo dheer deggenaa oo bulshada wax ku soo kordhinayay.

Hoggaamiyeyaasha jaaliyadda ayaa ka digaya in dadka lagu qasbayo inay ku laabtaan Soomaaliya ay la kulmi karaan isla khatarihii ay markii hore ka soo carareen, oo ay ka mid yihiin xasillooni-darrada siyaasadeed, colaadaha socda, iyo halista ah in si qasab ah ay u qortaan kooxaha mintidiinta ah.

“Xasillooni siyaasadeed ma jirto, kooxaha xagjirka ahna waxay qabsanayaan dhul hor leh,” ayuu yiri Yoonis Khaliif. “Dhallinyarada dib loo celiyo waxay noqonayaan kuwo nugul, gaar ahaan iyadoo aysan jirin shaqooyin ay helaan. Kuwani waa dad saxaraha soo maray oo halkan ammaan ka helay, balse hadda dib loogu celinayo dhibaatooyinkii ay ka soo baxsadeen. Waxaa habboon in dowladda Soomaaliya ay si dhab ah uga fiirsato arrintan.”

- Advertisement -

Read more

Local News