Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo in kenya ku dhawaaqdo xeritaanka Xeryaha qaxootiga ay ka dambeysay markii lagu mashquulay qaxootiga Syria.
Wuxuu sheegay in markii indhaha caalamka ku jeesteen qaxootiga Syria laga mashquulay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
“Maadaama arrimaha Syria soo baxeen adduunka waxa uu aad u xiiiseynayaa qaxootigan ka barakacayaan meelahaas, waa la hilmaamay qaxootiga Soomaaliya ee ku noolaa Dhadhaab iyo Kaakuma, waa laga guuray, cunto iyo lacagba lama siiyo”ayuu yiri Ilyaas.
“Sidaa darteed Kenya waxay leedahay annaga kaligeen yaa nalagu dhaafin culeyska, wadankooda degdeg nabad halooga dhigo Soomaalidan, reer Galbeedka lacag badan bay sheegaan inay bixiyaan, waad deyriseen dadkii, markii la dhaho waa la bixinaa qaxootiga aragti ayeey keenayaan”
“Dadka Tahriibo ee Soomaalida carabtana la socdo waa laga saaraa, dadku waxay ku nool yihiin saxariir, cunto la’aan, qoys dhan baa la siinayaa raashiinka hal qof, Soomaalida dibadaha baa loo qaadi jiray hadana waa la joojiyay, Kenya 25 sano ayeey haysay qaxootiga ma ahan dad naxariis darro hadda waxaan u sameynaya, waxaa soo socda shirar badan” ayuu yiri xildhibanka.
Kenya ayaa dhawaan soo saartay go’aan cusub oo ay ku sheegtay iney ku xireen xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo qaxooti badan ku nool yihiin, balse waxaa arintaasi digniino badan kasoo saaray hayadaha xuquuqda aadanaha.
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]