25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Taabit Cabdi: Koox siyaasadeed iyo koox diimeed midna kama tirsani

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo la wareegay xilka guddoonka ayaa ka hadlay waxyaabaha inta badan lagu dhaliilo madaxda soo marta gobolka Banaadir.

Taabit Cabdi Maxamed ayaa u muuqdo inuu kasii afeefanayo kooxaha ka jira dalka inuusan kamid aheyn, isagoo cadeeyay inuusan kamid aheyn koox Diimeed ama koox siyaasadeed ka dhisan dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in ku shaqeyn doono haldhigiisa cusub oo ah (Cahdiga Caasimada), sida uu sheegayna uu horumarin doono magaalada Muqdisho si magaalooyin kale u hormaraan.

“Waxaa idiin xaqiijiniyaa in aan ka tirsaneyn koox siyaasadeed ama urur diimeed iyo koox kale waxaan ahay qof ilaalinaya sharrafta dadka Soomaaliyeed. Qofna ugama hiilin doono qabiil, iyo midab” ayuu yiri duqa cusub ee Muqdisho.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa lagu eedeyn jiray inuu la safnaa Xasan Sheikh Maxamuud madaxweynihii hore ee dalka, isagoo dhaqaalo badan ku bixiyay u ololeynta dib usoo laabashadii Xasan Sheikh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News