Erdogan oo ku guuleystay aftidii la qaaday iyo awoodiisa oo korortay!

Ankara (Caasimadda Online) – Malaayiin ruux oo  turkish ayaa maanta u dareeray codaynta afti dadweyne oo isbedel lgu sameenayo dastuurka dalkaasi si awood ballaaran loo siiyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, taasi oo noqonaysaa isbedelkii ugu ballaarnaa ee dastuurka lagu sameeyo muddo ku dhow boqol sano.

Haddaba natiijada soo baxday ayaa tilmaameyso inuu madaxweynaha ku guuleystay aftidii la qaaday

waxaana (Haa) u codeysay ilaa  51.3%, waxaana (Maya) u codeysay 48.6%, waxana maanta codeynta u dareertay ilaa 55 Malyan oo u dhashay Turkiga kuwaas oo ku kala sugan ilaa gudaha iyo dibadda, waxaana ila tiriyey codadka 97.3% dadkii codkooda dhiintay

Aftidan ayaa u muuqata mid ay ku kala qaybsameen dadka turkiga, iyadoo xisbiyadda mucaraadku ay bannaanbaxyo ay qabsadeen ay kaga digeen in HAA loogu codeeyo aftida, taasi oo horseedi karta ayay yiraahdeen in xukunka u gacanta u galo qof kaliya, taasi oo uu ku gacan sayray madaxweyne Erdogan.

Maadaama aftidaan loo coddeeyey waxaa  la baabi’in doonaan jagada ra’isul Wasaaraha oo awood badan, iyadoo bedelkeeda la magacaabi doono madaxweyne K/xigeen, wuxuu madaxweynuhu uu toos ula xiriiri doonaa xisbiyadda siyaasadeed ee dalkaasi.