26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Taageerada C/Weli Gaas ee R/W Cabdi Weli, ma dhabbaa, mise qar ka tuuris?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa war saxaafadeed uu soo saaray 21.11.14 ku taageeray Raisul-wasaaraha soomaaliya C/weli Sh. Axmed. Kuna tilmaamay Baarlamaanka Soomaaliya kuwa laaluush qaatayal, asigoo ka digay in lacag lagu bur buriyo hey’adaha dowlada. Hadalkaasi oo la mid ah hadalkii ka soo yeeray xafiiska UN-ka Muqdisho uu la taliye ka yahay Nuuradiin Diiriye oo ah safiir u fadhiya Puntland muqdisho balse huwan shaar UN.

C/weli gaas wuxuu ilooway in baarlamaan laaluush la siiyo ay ku taqasusen Puntland dib u raac taariikhda 1967. Bal xusuuso doorashadii Madaxweyne Aadan Cabdulle iyo C/rashiid Cali Sharmaake dhex martay 1967, muxuu ku soo baxay Madaxweyne Sharmaake? Aadan Cade waxaa loogu guuleystay cod laalush lagu bixiyey wax qarsoona maaha oo taariikhdey ku cadahay. Waxaa is weydiin mudan taageerada ay Puntland u fidisay Raisul-wasaare C/weli Sh. Axmed ma ka dhab baa mise waa siyaasadii lagu bartay ee aheyd Qawda maqashii waxna ha u qaban leef leef hakaaga soo baxee. Bishii ina dhaaftey ee Oktober waxaa uu Garoowe ku dhex maray heshiish qudbo siro ah maamulka Puntland iyo Raisul-wasaare C/weli Sh. Axmed kaasoo lagu sheegey heshiis qaran balse ahaa heshiish jufo.

Taariikhda ayaa xusi doonta qof weliba shar iyo qeyr wuxuu geystaba inta uu hayo kursiga maqaamka sare ee dalka. Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, wuxuu hore u soo noqday ra’isul wasaare qaran, balse waxaa laga hayaa hadalo recording ah. Waa qaa’inul wadan una dheer qabyaalad iyo daciifnimo.

Dowlada Talyaaniga lacago ay ugu talo gashay dad beeraley masaakin ah, degan koofur goobaha ay abaartii ugu darneyd 2011 saameysay. Lacagtaasi waxey gaareysa cadad 15, milyan Euro ah, wuxuu u weeciyey  in lagu dhiso Garoonka Boosaaso taasoo aan la soo marsiin, Gole Baarlamaan iyo mid wasiiro intuba afkiisa ayuuna ka qirtay. Wuxuu ka hadlayey munaasabad taageero loogu muujinayey imaaraadka Carabta. Xaqii baana ka hadal siiyey, lacagtaasi la isma weydiin balse waxaan ka codsanayaa dowladu in ay record- gareyso shaqsiyaadkii hore u lunsaday hanti qaran midkuu doonaba ha ahaadee si loo maxkamadeeyo mustaqbalka.

Qabyaaladu waa tan bur burisa qaranimada. Heshiis ku sheegii laba Cabdiweli ee Garoowe balse la siyaasadeyey waa tan manta dowladu madaxa iskula jirta. Raisul-wasaare C/weli Sh. Axmed, waa shaqsi ka arradan siyaasada hada jirta iyo wixii la soo marayba una baahan in tolkiisu u caqli celiyaan. Waa nin aanan fahmi Karin siyaasada Puntland ee soo jireenka ah. Waxaan leeyahay Raisul-wasaare C/weli Sh. Axmed, Xisbigii leegada laga soo bilaabo ilamaa waqtigaani, Maamulka Puntland dowlad ama maamul ay taageeran waxaa laga hayaa dowladii C/laahi Yuusuf Axmed, maxey dowladihii hore iyo tan manta jirtaahi u luga qabanayaan? Maxey u dileen Madaxweyne Sharmaake oo weliba ayaga ka soo jeeeday. Danta ay Eithiopianka isugu dhiibeen maxey tahay oo aan aheyn soomaaliya sidaan rabo hadan ka waayo  burburkeedan ka shaqeynaya, hal tusaale Ayaan kaaga soo qaadayaa mudane Raisul-wasaare.

Dowladii Kacaanka aheyd ee adiguba lagugu xanto in aad qarash badan ku lunsatay mansab iyo heeykal dowladnimo, dad masaakiin ah oo xoolo dhoofsanayey oo aad madax u noqotay. Ma is weydiisay yaa bur buriyey dowladaasi  halkeese ka burburtay?  Mise waxaa kugu xiran USC ayaa burburkeedi laheyd. Mid waa run in USC ay dhamestir ku laheyd ridistii dowladii militeri laakin waa goorma?  Ururkii SSDF wixii ka danbeyey inqilaabkii dhicisoobay ee 1978 maalinba xibin ayey siibayen dowladaa, ilaa laga soo gaaro 1990. Balse USC waxey lugaha isugu dhufatay 26 casho oo kaliya aan la dhihi Karin sanado iyo bilooyin bey la dagaalamayen. Waxaan rabaa in aan xusuusiyo Raisul-wasaare C/weli Sh. Axmed, Xisbigii leegada hada maaheyn waqtiguu shaqeynayey, reer Puntland soomaali oo dhan baa ka dheregsan hadafkoodu siyaasadeed  wuxuu yahay, waa bulsho dad fiican ay ku jiraan laakin ay hormuud u noqdaan mar weliba dadka kuwa ugu qabyaalad badan ama ugu liita, soomaalina kala geeya, weliba beesha aad ka soo jeedo ee ina Ismaaciil Jabarti. Qabyaalada reer Puntland Rag baa ka tiriyey maanso yar oo cajiiba xiligaa waxey yiraahdeen.

Leegadu qaab daranaa oo qal qalooc badanaa

Oo qabiil la qarinaayey ku qaraabasho ogaaa

Ma Qardheey ku dhasheen oo

Qandalley ku koreen

Qufac aan ka baxeyn

Qof qof ha ugu dhacee.

W/Q: Ilyaas Harawi

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News