Taariikhda qoyska marxuum wasiir Cabaas Siraaji iyo Afmadoow

Allaha ha u naxariistee waxaa toogasho lagu diley wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta federaalka, ahaana xildhibaan baarlamaanka federaalka Mudane Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaje, haddana qormadani waxaan ku eegayaa sooyaalka qoyska marxuumka.

Cabaas waxa uu kasoo jeedaa qoys culumo ah fac ka fac, waxaana si weyn loo garanayaa awoowgiis Sheekh Siraaje Aw Aadan oo ahaa caalim weyn oo diinta islaamka laga raacdo degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose muddo hadda qarni laga joogo.

Sheekh Siraaje waxa ay isku xer ahaayeen labadeyda awoow ee Sheekh Bashiir Cabdi Shiil oo aabahay dhalay iyo Sheekh Guure Muxumed Saleebaan oo hooyadey dhalay iyo waliba sheekhii kale ee Afmadoow caanka ka ahaa Sheekh Cabdullaahi Cawlyahan.

Sheekhnimada ka sokoow wuxuu Sheekh Siraaje ahaa malaha qofkii ugu edebta badnaa, uguna afgaabnaa ee aad ebed ka fikiri karto, marka uu soconayo xitaa waxaa la sheegey in uu dhulka eegi jirey.

Balse nasiib darro Sheekh Siraaje waxaa masaajidka weyn ee Afmadoow dhexdiisa ku diley nin miyirka looga jirey oo isaga oo kabaha qaba masaajidka galay, kadibna uu Sheekh Siraaje ku yiri kabaha iska bixi, kadibna ninkii waalnaa uu dhagax weyn madaxa kaga dhuftey.

Aaskii Sheekh Siraaje waxaa la sheegaa in uu ka mid ahaa aasaskii ugu waaweynaa ee taariikhda inta la xusuusto ka dhacay Afmadoow.

Balse mucjisada dhacday Dr. Haajir Sheekh Siraaje oo wiilasha uu sheekha dhalay ugu weynaa waa uu diidey in uu qaato mag ama ninkii dilka geystey loo qisaaso, waxaana laga soo xigtey in uu yiri “Aabaheey faraska janada haka haleynina”.

Ninkii Sheekh Diley wuxuu markii dambe ku dhintey magaalada Qooqaani isaga oo meel darbi ah ku dacdareysan.

Sheekh Siraaje wuxuu dhalay 4 wiil oo kala ahaa Xaajir, Caabud, Cabdullaahi iyo Sheekh Nuur.
Cabaas waxaa dhalay Cabdullaahi, horaantii sagaashameeyadii ayayna u qaxeen xerooyinka qaxootiga halkaasi oo uu illaa dugsiga sare kaga baxay.

Aniga aqoon shaqsiyan uma aanan lahayn Cabaas markii hore, balse bishii Novembar 2016-kii xiligii la xulayay baarlamaanka federaalka, ayaan aniga waxaan hormuud ka ahaa tabinta tooska ah ee codbixinta, nasiib wanaag qolkii aan ka tabinayay doorashada ayuu kusoo aaday kursiga Cabaas ee Beesha Hubeer ee Digil iyo Mirifle.

Kursiga waxaa muddo dheer ku fadhiyey Wasiir Beekoos oo ahaa nin oday ah, waxaana qof kasta ka yaabisey sida wiilkan dhalinyarada ah ee qaxootiyada ka yimid, islamarkaasina aanan xitaa lacagta heysanin uu oga badiyey ninkii wasiirka ahaa, kursigana muddada dheer kusoo fadhiyey.

Kadib ayaan isla jaanqaadnay aniga iyo Cabbaas, waxaanan gartay qoyskooda maadaamaa awoowgiis iyo awoowayaasheey ay saaxiibo isku dhinta ahaayeen.

Saaxiibtinimadeena waa ay bulaashay, waxaa na dhexmaray talooyin iyo aragti isweeydaarsi, balamo mustaqbal fog ah.

Maalintii golaha wasiirada loo magacaabay waxa uu ahaa wasiirka kaliya ee aan si shaqsi ah ugu hambalyeeyey.

markii geeridiisa la iisoo sheegey waxa ay ahayd dhacdadii iigu xanuunka badneyd ee aan dhawaanahan la macaamilo.

Waxaan Cabaas Alle oga baryayaa in jadanii firdawso ka waraabiyo, intii uu ka baxayna samir iyo iimaan alle ka siiyo.

Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo)

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET