Taariikho shaki abuuraya oo ku jira qorshaha 9-aad ee horumarinta qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook kusoo bandhigay taariikho is-diidan oo la xiriira xilliga bixinta shatiyada shidaalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu arkay qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka ee dhowaan lasoo bandhigay. Hoos ka aqriso qoraalka Maxamed Mukhtaar.

Waxaan u hambalyaynayaa Wasaaradda Qorsheynta iyo dhamaan intii ka so shaqeysay diyaarinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.

Qorshaha oo ka kooban 400-bog, inta uu dhaxeysa bogga 226 – 228 waxaa looga hadlayaa arimaha shidaalka. Qoraalka waxaa ku jiro taariikho iska hor imaanaya, haddii aanan si fiican looga fikirina Soomaaliya u keeni karo culeys. Bogga 226, faqradiisa 10.1 waxa uu lee yahay “Dowladdu waxay qorsheyneysaa inay bixiso 15 xermo (blocks) 6-da bilood ee soo socota ka dibna kuwa kale loo bixiyo si joogto ah. Dowladda waxay haminaysaa inay bilowdo shati siinta sahaminta batroolka iyo macdantaka hor Maarso 2020.”

Sidoo kale qoraalka bogga 228, faqradiisa 10.3, xarafkiisa (ii) waxa uu lee yahay “Qabyo qoraalka sharciga Shidaalka waxaa la filayaa inuu diyaar noqdo ka hor Juun 2020.”
Xermooyin shidaal ama heshiis shidaal lama geli karo ayada oo aanu soo dhamaystirmin Sharciga Shidaalka, sida daraadeed waxaa loo baahan yahay in labadaan taariikh la is waafajiyo.

Isla qoraalka bogga 228, faqradiisa 10.3, sadarka ugu danbeeyo waxa uu lee yahay “Soomaaliya waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay dhisto Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed, Hay’adda Macdanta Soomaaliya iyo Shirkadda Macdanta Soomaaliyeed hal sano kadib sharciga batroolka marka la ansixiyo.”
Qabyo qoraalka Sharciga Shidaalka waxa uu sheegayaa in Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed la sameeyo sanad gudahood marka sharciga la ansixiyo ee ma ah sanad kadib marka sharciga la ansixiyo.

Mida kale Qorshaha Qaranka waxa uu sheegayaa inay dowladda qorsheynayso inay bixiso shatiga sahminta shidaalka ka hor Maarso 2020 taas oo macnaheedu yahay in dowladdu bixin doonto shatiyo ka hor inta aanan la dhisin Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan rajaynayaa in qoraalka Qoshaha Qaran iyo qaab maamulka kheyraadka noo saxmaan.