Taiwan oo ka gaabsatay aqoonsiga SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Afhayeenada wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan, Joanne Ou ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho warbixin ay Somaliland ku sheegtay in ay u diyaar garoobeyso sidii ay u aqoonsan lahaayeen Jesiiradda Taiwan.

Joanne Ou oo la hadleysay warbaahinta ayaa shaacisay in aysan ka hadli karin warbixintaasi oo lagu daabacay shabakad warbaahineed oo laga leeyahay Somaliland.

Afhayeenada ayaase xustay in Madaxweyne Muuse Biixi uu talo ku bixiyey in laga shaqeeya sida ugu suurto-galsan ee ay aqoonsi isku dhaafsan karaan Somaliland iyo Taiwan.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Somaliland iyo Taiwan uu haatan ka dhexeeyo xiriir aad u wanaagsan, islamarkaana ay sii wadi doonaan xoojinta xiriirka labada dhinac.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu hadda safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Qin Jian uu joogo magaalada Hargeysa, kaas oo horey si weyn uga horyimid heshiis ay 1-Julay kala saxiixdeen wasaaradaha dibadda ee Somaliland iyo Taiwan.