Sawirro: Taliyaha Xoogga oo dalab culus u gudbiyay QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ka tirsan Qaramada Midoobau, gaar ahaan Agaasimaha UNSOS Qurat-Ul-Ain iyo Madaxda kale ee xafiiska.

Taliyaha waxaa isna kulankan ku wehlinayay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, ayada oo diiradda lagu saaray taareegarada dhanka ciidamad.

Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dalab culus u gudbiyay QM, wuxuuna kala hadlay sidii loo kordhin lahaa, loona joogteen lahaa taageerada dhanka Saadka iyo tababarada ay UNSOS siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu taliyaha si gaar ah uga mahadceliyay taageerada ay mar weliba UNSOS siiso Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee haatan howlgallada ka wada dalka.

Dalabkan loo gudbiyay Qaramada Midoobay ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi isla markaana ciidamada Soomaaliya ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Dagaallada socda ayaa waxaa ka qayb qaata dalal kala duwan hay’ado waa weyn oo taageero kala duwan siiya dowladda federaalka iyo ciidamadeeda.

Howlgallada xoogooda ayaa hadda waxa ay ka socdaan gobollada dhexe iyo Jubbooyinka, ayada oo Al-Shabaab looga saaray dhul aad u ballaaran.

Howlgallada wajigooda koowaad ayaa jabkii ugu xooganaa lagu gaarsiiyay kooxda, waxaana hadda loo diyaar garoobayaa wajiga labaad oo isna ah mid muhiim ah.