25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Taliyaha ciidanka dekadda Boosaaso oo weerar culus lagu dhaawacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday gaari uu watay Taliyaha Ciidanka Dekada Bosaaso Maxamed Cali xaashi.

Weerarka ayaa la sheegayaa inuu ku dhaawacmay Taliyaha, xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqo, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsan ciidamada Dekadda.

Taliyaha ayaa waxaa xiliga la weeraraayay la socday laba Askari oo kamid ahaa ilaalada Dekadda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca Taliyaha uu ka dhashay iska hor imaad kooban oo dhexmaray ciidanka Booliska iyo kuwa Badda Puntland.

Dhaawaca Taliyaha ayaa iminka la geeyay xarumaha caafimaadka, iyadoo la xiray dhinacyada la sheegay inay dhaawaca u geysteen Taliyaha.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo ku saleysan weerarka uu ku dhaawacmay Taliyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News