New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintiiu codeeyay in la meelmariyo qaraar uu soo diyaariyay Mareykanka, kaasoo taageeraya qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, isla markaana oggolaanaya in ciidamo caalami ah oo xasilinta ka shaqeeya la geeyo marinkaas Falastiiniyiinta.
Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa bishii hore isku raacay wejiga koowaad ee qorshaha 20-ka qodob ee Trump ee Gaza – kaasoo ah xabbad-joojin dagaalkooda labada sano socday iyo heshiis lagu sii deynayo la haystayaasha – balse qaraarka Qaramada Midoobay ayaa loo arkaa mid muhiim u ah sharciyaynta hay’ad ku-meel-gaar ah oo maamusha iyo in kalsooni la geliyo dalalka ka fiirsanaya inay ciidamo u diraan Gaza.
Qoraalka qaraarka ayaa dhigaya in dalalka xubnaha ka ah ay ka qayb qaadan karaan Golaha Nabadda (Board of Peace) ee uu hoggaamiyo Trump, kaasoo loo arko maamul ku-meel-gaar ah oo kormeeri doona dib-u-dhiska iyo soo kabashada dhaqaalaha Gaza.
Sidoo kale, wuxuu oggolaanayaa ciidamada caalamiga ah ee xasilinta, kuwaas oo xaqiijin doona habka hub ka dhigista Gaza, oo ay ku jirto in hubka la ururiyo lana burburiyo kaabayaasha milatariga.
Xamaas, oo soo saartay bayaan, ayaa ku celisay inaanay hubka dhigi doonin, waxayna ku doodeen in dagaalkooda ka dhanka ah Israa’iil uu yahay iska caabin sharci ah, taasoo laga yaabo inay keento iska hor-imaad dhex mara kooxda iyo ciidamada caalamiga ah ee uu qaraarku oggolaaday.
“Qaraarku wuxuu Marinka Gaza ku soo rogayaa nidaam ilaalin caalami ah, kaasoo dadkeenna iyo kooxahoodu ay diiddan yihiin,” ayay Xamaas ku tiri bayaankeeda oo soo baxay ka dib meelmarinta qaraarka.
Mike Waltz, safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in qaraarka, oo uu lifaaq ahaan u la socdo qorshaha 20-ka qodob ee Trump, “uu jeexayo waddo suurtagal ah oo loo maro aayo-ka-tashiga Falastiiniyiinta… halkaas oo gantaallada lagu beddeli doono laamaha saytuunka, fursadna loogu helayo in lagu heshiiyo aragti siyaasadeed.”
“Wuxuu meesha ka saarayaa xukunka Xamaas, wuxuuna xaqiijinayaa in Gaza ay ka soo kabato hooska argagixisada, iyadoo barwaaqo iyo ammaan ah,” ayuu Waltz u sheegay golaha ka hor codbixinta.
Ruushka, oo leh codka diidmada qayaxan (veto) ee Golaha Ammaanka, ayaa mar sii horreysay muujiyay inay suurtagal tahay inuu ka hor yimaado qaraarka, balse wuxuu ka aamusay codbixinta, taasoo u oggolaatay in qaraarku meelmaro. Shiinaha ayaa sidoo kale ka aamusay.
Maamulka Falastiiniyiinta ee kooxda Fatax ayaa soo saaray bayaan ay ku soo dhaweynayaan qaraarka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan fulintiisa. Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in taageerada maamulka ee qaraarka asbuucii hore ay fure u ahayd ka hortagga in Ruushku uu adeegsado codka diidmada qayaxan.
‘Waddo loo maro qarannimada’
Qaraarka ayaa dhaliyay muran gudaha Israa’iil ah maadaama uu xusayo suurtagalnimada mustaqbalka ee qarannimo ay yeeshaan Falastiiniyiintu.
Qoraalka qaraarka ayaa dhigaya in “xaaladuhu laga yaabo inay ugu dambayn saamaxaan waddo la isku halleyn karo oo loo maro aayo-ka-tashiga iyo qarannimada Falastiin” marka Maamulka Falastiiniyiinta uu fuliyo barnaamij dib-u-habeyn ah, dib-u-horumarinta Gaza-na ay horumarto.
“Mareykanku wuxuu dhisi doonaa wada-hadal u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta si loogu heshiiyo aragti siyaasadeed oo ku aaddan wada-noolaansho nabdoon oo barwaaqo leh,” ayuu dhigayaa qaraarka.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo cadaadis kala kulmaya xubnaha midigta-fog ee dowladdiisa, ayaa Axaddii sheegay in Israa’iil ay weli ka soo horjeeddo dowlad Falastiin, wuxuuna wacad ku maray inuu hubka ka dhigi doono Gaza “si fudud ama si adag.”

