25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda oo tegay deegaan askar badan looga laayay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Lugta ee dalka Uganda, Jeneraal Kayanja Muhanga ayaa soo gaaray gudaha Soomaaliya, waxayna kadib u gudbeen furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Jeneraal Kayanja Muhanga iyo saraakiisha la socota ayaa si deg-deg ah howlo qiimeyn ugu tegay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo todobaadkii hore laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib dagaal ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Taliyaha ayaa Sabiid iyo Canoole kula kulmay saraakiisha AUSSOM, isaga oo kala hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo guulaha ay ka gaareen la wareegida deegaankaasi.

Sidoo kale wuxuu ciidamada ku amaanay sida geesinimada leh ee ay uga qeyb qaateen dagaalka, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo dadaallada lagu xasillinayo deegaannadaasi.

Waxaa kale oo Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda lala wadaagay warbixin la xiriirta dagaallo qaatay saddex maalin oo ka dhacay Sabiid iyo Canoole, laguna dilay 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada dalkaasi, kuwaas oo qayb ka ahaa howlgalka xoreynta ah ee ka dhacay halkaasi.

Askarta la laayey  waxay qayb ka ahaayeen Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo loo xil saaray la-dagaallanka Al-Shabaab.

Weerarradii ugu dambeeyay ayaa kiciyay cabsi laga qabo soo rogaal-celinta kooxaha jihaad doonka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan xilli hawlgalka AUSSOM uu la daalaa-dhacayo ciidamo aan ku filnayn iyo dhaqaale yari.

Dhanka kale, meydadka toddobada askari ee geeriyooday ayaa la filayaa in dalkooda Uganda dib loogu celiyo si loogu aaso iyadoo la raacayo maamuus qaran oo militari.

Uganda waxay door safka hore ah ka qaadanaysay xasillinta Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007, iyadoo ka hoos shaqaynaysa dallada Midowga Afrika.

Hawlgalka AUSSOM, oo beddelay ciidamadii hore ee ATMIS, ayaa hadda ka kooban 11,146 askari — inkastoo bishii Abriil uu sheegay inuu u baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah.

Soomaaliya waxay muddo dheer la daalaa-dhacaysay kacdoonka Islaamiga ah ee rabshadaha wata, inkastoo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida lagu qasbay inay difaac galaan sannadihii 2022 iyo 2023, kaddib hawlgallo ay wadeen ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News