Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa u baxay safarkiisa u horreeyay oo dibadda ah tan iyo markii loo magacaabay xilka.
Taliye Sanbaloolshe ayaa safarkaan ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu sidii hore aheyn xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.
Socdaalka Sanbaloolshe ayaa ku soo aaday, iyada oo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu bilihii la soo dhaafay mugdi galay, islamarkaana Imaaraadka uu joojiyey mushaarkii iyo agabkii kale ee ay ciidanka siin jireen.
Horraantii sanadkan ayay aheyd markii Muqdisho lagu dilay saraakiil u dhalatay Imaaraadka oo ahaa saraakiishii qaabilsaneyd howl-galka tababarka ciidamada Soomaaliya.
Imaaraadka iyo dowladda Xasan Sheekh ayaa bilowgii muddo xileedkan cusub lahaa macaamil aad u wanaagsan, inkasta oo uu markii dambe gadaal iska beddelay kadib dhacdooyinkii u dambeeyay.
Imaaraadka ayaa sidoo kale waxa uu Soomaaliya ka taageera dhismaha ciidanka iyo tayeyntiisa, ayada oo labada dhinac ay hore u gaareen heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada.
Si kastaba, dib u gurashada Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa la fahamsan yahay inay qeyb ka yihiin dhacdooyin ay kamid yihiin; musuq lagu sameeyay dhaqaalihii ay siinayeen ciidanka, xubnihii Muqdisho looga dilay iyo saameynta Turkiga ee arrimaha Soomaaliya oo sii xoogeysatay.