Taliye DEGMO oo dagaal lagu dilay iyo xaaladda oo faraha ka baxday

Bardaale (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka socda gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyo ciidanka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana kamid ah dadka dhintay saraakiil sar sare oo uu ku jiro talihii degmada Bardaale Marxuum Aliyow Boorow.

Taliyaha ayaa waxaa markii hore soo gaaray dhaawac halis ah, kaas oo uu saacado kadib u geeriyooday, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka, ayada oo gurmadyo ay helayaan labada dhinac.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaalada oo argagax wayn dareemay, maadaama lagu kor dagaalamayo.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo u abaabulan hab beeleed ayaa horay magaalada looga saaray, kadib dadaallo la sameyay, si loo soo afjaro colaadda ka taagan halkaasi.

Bardaale ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnayd colaad beeleed saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan gudaha degmadaas oo ka tirsan gobolka Baay.